Iiraan Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Mareykanka

Maadaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo sheegay in Iiraan ay ku soo rogi doonaan cunaqabatayntii ugu adkeyd taariikhda. Madaxwayne Xassan Ruuxaani ayaa su’aal galiyay kalsoonida lagu qabi karo go’aanada Mike Pompeo ee ku aadan Iiraan.

Haweenayda midowga Yurub u qaabilsan siyaasada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale cambaareeysay khudbadii uu jeediyay xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka Mr Pompeo. Federica Mogherini ayaa sheegtay in aysan jirin waddo kale oo furan oo ku aadan heshiiskii niyukleerka ee Iiraan lala galay 2015.

Waxa ay intaa ku dartay in Mr Pompeo uusan qeexin sida ka bixitaanka heshiiska Iiraan uu bariga dhexe uga dhigayo mid ammaan ah. Hadalka Iiraan iyo midowga Yurub ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay dowladda Mareykanka sheegtay in ay cunaqabatayno cusub ay ku soo rogi doonto Iiraan. Maamulka madaxwayne Trump ayaa horrey uga baxay heshiiskii ay wadamada quwadaha waawayn la galeen dalka Iiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker