Lix Qof oo ku geeriyootay qarax Mooto loo adeegsaday dalka Yemen

Yemen(OWN)- Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Yemen, qarax loo adeegsaday Mooto ayaa lagu dilay lix qof  oo shacab ah, halka tiro intaasi ka badan qaraxaasi ay ku dhaawacmeen.

 

Warbaahinta ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Magaalada Mokha ee ku dhaw Badda Cas, kadib markii Suuq dadka ay ku badnaayeen la dhigay Mootada qaraxa uu saarnaa.

Sarkaal ayaa Warbaahinta u sheegay dhimashada 6 qof  inay tahay, halka dhaawacana uu ku sheegay 26 qof oo shacabkii Suuqa ku sugnaa ahaa.

 

Ilaa hadda ma cadda cida ka dambeysay dhimashada dadkaan shacabka ah, balse qaraxaan ayaa lagu soo aadiyay xilli dadka ay ku guda jireen waqtiga cashada dalka Yemen.

Yemen oo ay ku dagaalamayaan Xoogaga Xuutiyiinta & dowladda ayaa sidoo kale waxaa jira Kooxo ay ka mid tahay Al-Qaeda & kooxo kale oo dalkaasi ka dagaalama.

 

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay baarayaan cidda ka dambeysay qaraxaan Mootada loo adeegsaday ee dadka shacabka ah lagu dilay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker