Waa Maxay Qodobada laysku Mari La,yahay ee Horyaalla Shirka Shaly Ka Furmay Magaalada Garoowe

Garoowe (OWN) – Magaalada Garoowe waxaa Shalay ka furmaya shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Inkasta oo abaabulayaasha shirka aysan weli wax ajande ah oo shirka looga hadlayo soo bandhigin, haddana Caasimada Online ayaa xubno ku sugan shirka ay la wadaageen qaar ka mid ah qodobada ugu xasaasisan ee la isku hayo marka shirka uu furmo.

Waxaa ka mid ah sidii heshiis laga gaari lahaa qodobka 51aad ee dastuurka dalka. Qodobkan ayaa waxaa uu qeexayaa xiriirka Iskaashiga dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Qodobkan ayaa waxaa hoos imanaya qoodbo dhowr ah, sida siyaasadda, oo looga hadlayo cidda leh awoodda jaangoynta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa, doorshooyinka maamullada yo dhismaha maamullada dowladaha hoose, ayada oo maamullada ay ku eedeeyeen dowladda inay isa siineyso awood aysan lahayn.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadalayaa Kheyraad-Qeybsiga, qodobkan ayaa ka hadlaya shuruucda kheyraad qeybsiga oo ay hadda xukuumaddu gacanta ku heyso, balse maamullada ay doonayaan in laga qeyb galiyo.

Ma jiro wax kheyraad ah oo iminka la qeybsanayo, hase yeeshee waxaa maamullada ay ka fakarayaan mustaqbalkan. Muhiimadda qodobkan ayaa soo shaac baxday kadib shirkii London ee shidaalka Soomaaliya, ayada oo maamullada ay aad u danayanayaan inay go’aan ku yeeshaan kheyraadka dalka.

Arrimo kale ee shirka lagu soo qaadi doono ayaan Wali Sifiican Daaha Looga Rogin

By Suxufi Sinyoore oodwaynemedia Office Hargaysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker