Oday Soomaaliyeed oo raadinaya la kulanka Madaxweynihii hore Ee Mareykanka Obama.

 

 

Maxamed Xasan Muumin oo ka tirsan odoyaasha Wajeer, ee waqooyi bari  dalka Kenya, kaas oo 2006dii dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed u labisay Barack Obama ayaa doonaya inuu mar kale la kulmo.

Obama oo hadda booqasho ku jooga Kenya, waxaa uu shalay la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, isaga oo kadib sii tagaya goobta aabihii ka soo jeedo ee K’Ogelo.

“Waxaan u duceeyay Mr Obama isaga oo senator ah, waxuu noqday madaxweynaha Mareykanka 2 jeer, hadda waxaan ugu duceynayaa inuu hogaamiyo nabadda caalamka, gaar ahaan dalalka dhibaatadu ka jirto ee Syria, Palestine, Afghanistan, South Sudan iyo Somalia,” sidaas waxaa wargeyska Nation u sheegay Muumin.

Dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee Obama uu labistay 2006dii, dadka ka soo horjeeda waxaa ay u adeegsadeen daacayad iyo inuu sida Bin Ladin u labistay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker