19 Waddan Oo Islaam Ah oo Xalay Laga Soomay Iyo 4 Waddan Oo Aan Soomin

Dalalka Caalam Al Islaam ayaa waxa ay badankoodu maanta oo Sabti ah Soomayaan maalinta koowaad ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Dalalka Sucuudiga, Qadar, Kuwayd, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Masar, Aljeeriya, Falastiin, Suudaan, Djibouti, Tuuniisiya, Liibiya, Suuriya Soomaaliya, Ciraaq (Waqfiga Sunniga), Lubnaan, Yemen, Turkiga, Bosnia ayaa dhammaantood xalay ku dhawaaqay in Sabtida oo maanta ahi tahay maalinta koowaad ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Kaliya dalalka Saldanadda Cummaan, Urdun, Morocco, Iraan iyo Indonesia ayaa la xaqiijiyey in ay dalalka kale ee Islaamka ka hadheen oo ay iyagu xalay ku dhawaaqeen in ay dhammays tiri doonaan Bisha Shacbaan.
Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu xalay ku dhawaaqday in la dhammays tiri doono Bisha Shacbaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker