KHILAAFKA MADAXDA WARFAAFINTA IYO WERIYAASHA OO AAN WELI XAL RASMI AH LAGA GAADHIN

Khilaafkii Madaxda Wasaarada Warfaafinta Iyo Weriyayaasha Ayaan Ilaa Xilligan Wax Xal Ah Laga Gaadhin.Kadib Markii Awaamiirtii Madaxweynaha Somaliland Ee Ku Saabsanaa Soo  Af Jarida Iyo Maaraynta  Khilaafkaasi Ay Dhinac Isaga Leexiyeen Hoggaanka Sare Ee Wasaarada Warfaafinta.

Suxufiyiinta Shaqada Laga Joojiyay Dhowaan Ayaan Ilaa Wakhtigan Helin Mushaharkii Iyo Gunooyinkii Dhowrkii Bilood Ee Lasoo Dhaafay,Halka Mushaharkii Iyo Gunooyinkiiba Ay Qaateen Dhowrkaasi Bilood Shaqaalihii Kale Ee Dhigooda Ahaa Ee Ka Hawl Gelayay Wasaarada Warfaafintu.Lama Oga Ilaa Hadda Sababaha Ay Talaabadaasi U Qaadeen Madaxda Warfaafintu,

Madaxweynaha Somaliland Mud.Muse Biixi Cabdi Ayaa Xilli Uu Booqasho Ku Tegay Xarrunta Wasaarada Warfaafinta Waxa Qudbad Uu Ka Jeediyay Halkaasi Ku Muujiyay Ahmiyada Ay Hawl Wadeenada Wasaaradu U Leeyihiin Qaranka Iyo Kaalinta Lama Ilaawaanka Ah Ee Suxufiyiinta Shaqada Laga Joojiyay Kasoo Qaateen Dhismaha Iyo Taabba Gelinta Qaranka Iyo,Sida Aanay U Mudnayn In Tacadi Iyo Niyad Jab Dheeraad Ah Loogu Daro, Iyaga Oo Aan Markooga Horeba  Helin Mushahar Ku Filan Noloshooda .Isagoo Kadib Intaasina Amar Ku Bixiyay Soo Af Jarida Sida Ugu Dhakhsaha Badan Ee Khilaafkaasi.

.Hase Ahaatee Khilaafkaasi Ayaa U Muuqda Mid Weli Taagan Halkiisii Iyadoo Xogaha Kasoo Baxaya Wasaaradu Tibaaxayaan Inuu Xalkaasi Ka Socon La’yahay Dhinaca Wasiirka Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradaasi ,.<span —– Message truncated —–

 

 

rooble cali nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker