Dhaqaalaha Wadanka Mareykanka oo kor u kacay 4.1%.

 

Dhaqaalaha dalka Mareykanka ayaa bilihii April, May iyo June sameeyey korodhkii ugu xawaaraha badnaa muddo afar sano ah.

Warbixin ay soo saartay waaxda ganacsiga Mareykanka ayay ku sheegtay in dhaqaalaha ugu ballaadhan dunida uu rubicii labaad ee sanadkan kordhay 4.1%.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in canshuur dhimista uu sameeyey iyo siyaasadahiisa ganacsiga ay caawimaad ka geysteen sii socoshada ballaadhashada dhaqaalaha.

Dadka taxliiliya dhaqaalaha ayaa sheegay in canshuur dhimista Trump ee horaantii sanadkan oo gaadheysay 1.5 trillion ay dhaqaajisay kororka dhaqaalaha, ayada oo dadweynaha ku dhiir gelisay inay qarash gareeyaan lacagtooda.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in kororka dhaqaalaha uu intaan kasii ballaadhan doona, marka uu sameeyo heshiisyo ganacsi oo uu wado.

Si kastaba dhaqaalyahanada ayaa sheegaya in koradhka dhaqaalaha ee heerkan uu yahay mid ay saacideen xaalado ku meel gaadh ah, islamarkaana uu bilaha soo socda meesha ka bixi doono.

Xigasho: voa somali

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker