Maamul ku sheega Farmaajo: aniga oo aan xukumin hal KM oo Dhulka ah ayaan hawada xukumayaa!!!!

Qofna  kama qarsoona xaalada ka jirta Dalka somalia(Italia somalia), somalia waa  Dal Mindhicirkii ka soo Dhacay  ,waa  Dal 30 sano Bilaa Dawlad ah, waa  Dal ukala Go`ay  5 dawladood oo yar yar oo Midwaliba samaysatay Magac ,Taariikh iyo xuduudo  aanay lahaan jrin .

 
Waa Dal  Dawlado shiisheeye haystaan oo utaliyaan, waa Dal  50 kun oo ciidamo shiisheeye ahi joogaan,  waa  Dal Kenya  Baddiisii qayb qaaday   , waa Dal kenya ciidamadeeda iyo Diyaaradaheeda Dagaalku  maalin walba ku soo xadgudbaan oo  waxay Doonaan ka sameeya, waa Dal Ethiopia ciidamadeedu qaybo Dhan haystaan oo siday Doonaan ka yeela.
Maamulka maqaar saarka ah ee muqdisho ciidamada African ka ah ee AIds-ka iyo Ebolaha qabaa ku hayaan  ee hadana  sheeganaya in uu yahay Dawlad Federal ah  anigu garan maayo meesha uu xukumo ee  uu Dawlada ka yahay, waa Maamul  shisheeye soo sameeyey  iyaga oo uga jeeda in ay Al-shabaab ku xumeeyaan   iyo in ay magaca somalia  kaga dhamaystaan wixii ay rabaan  mid yidhaahda ciidamo ayaanu keenaynaaye noo saxeexa, mid yidhaahdo saldhigyo milateri baanu somalia ka samaysanaynaaye  noo saxeexa, mid yidhaahda Badda somalia baanu qayb goosanaynaaye noo saxeexa, mid yidhaahda  sunta wershedaha ayaanu ku aasaynaaye noo saxeexa.Hadaba  iyada oo xaalka somalia sidaa yahay ayaa Maamul ku sheega Farmaajo inta uu wax walba meel iska Dhigay  Dagaal nooc walba ah ku soo qaaday somaliland, iyada oo Madaarka Muqdisho iyo Dekeda Muqdisho labada  ay Dawlado shisheeye iyo ciidamo shisheeye haystaan  oo  xitaa  Farmaajo  aanu Gudahooda Geli karin isaga oo ciidamadaas iyo Dawladahaas haysta fasax ka soo qaata mooye    oo shalayto oo u Danbaysa Gudoomiya Barlamaan ku sheega Farmaajo  markuu is yidhi Madaarka muqdisho Gal  ay  askar African ahi intay  Futada Laad kala Dhaceen  Dib u soo celiyeen  oo Udiideen in uu Madaarka Food soo Geliyo  !   Hadaba  waa  yaab iyo amakaage  muxuu Mamul ku sheega farmaajo  ku keenay in uu yidhaahdo dekeda Berbera  aniga ayaa xukuma  ee wax halayga weydiiyo!!   Muxuu ku keenay in uu yidhaahdo hawadii somalia oo ay ku jirto hawada somaliland ayaan la wareegay isaga oo aan xukumin  1 KM oo Dhulka ah!  waar miyaanay taasi  ahayn  waalli iyo wax lala yaabo oo lagu qoslo   ,  waar Maamulka   waxaas oo hawlood  ee hortiisa yaal aan arkayn   ee  wax  walba  intuu Dhulka Dhigay somalailand uun  kadaba shaqaynaya  maxaa la odhan karaa?   waar  somaliland ha kuu joogtee  maad  horta Adiga oo aan ciidamo shisheeye ku tiirsanayn  1 km oo Muqdisho Gudaheeda ah  xukun kaaga Gaadhsiisid ,  waar  inta  aad somaliland  soo eegaysid  maxaad  u arki weydey  Afgooye iyo Balcad  Dawladaha kale  ee ka Dhisan  ee Mid waliba  ay leedahay Madaxweynaha , baarlamaanka , calanka ,Distoorka, lacagta, baaspoorka iyo wax alla wixii Dawlad  Madax banaani laahaan jirtay?
 
 
Khadar xussen
 
jeddah ,saudi
khadarxussain@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker