Niman ku dhawaad 20 maalmod ku dhuumaaleysanayay gunta hoose ee Markab aysan aqoon halka uu kusii jeeday

Sawirka afarta nin ee ku dhuumanaya gunta hoose ee markabka ayaa la shageeyay inay argagaxa la soo kulmeen safar 13-maalmood qaatay oo ay uga soo ambabaxeen dalkooda Nigeria ilaa xeebaha Brazil.

Dadkan ayaa waxaa arkay shaqaalaha markab kale oo marayay meel u dhow isla markabka Vitória Bay ee magaalada Espirito Santo ee koonfur bari Brazil.

Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan shirkadda maraakiibta, muhaajiriinta ayaan ‘wax fikrad ah ka haysan’ halka uu markabku u socday ka hor intaysan ku dhuuman gunta hoose markabka. Markabku ayaa ku socday dekedda Santos ee dalka Barazil.

Booliisku ayaa dadkan soo saaray kadib markii lagu wargiliyay dhacdada.

Kooxda tahriibeysa ayaa safarkan halistah bilaabay bishii June 27-dii.

Ramon Almeida, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Espirito Santo, ayaa BBC News Brazil u sheegay: “Xaaladooda aad bay u liidatay, laakiin ma qabin dhibaatooyin caafimaad oo halis ah. Afar maalmood ayaysan waxaba cunin biyana aysan cabin”.

Waxay soo qaateen sahay cunto iyo biyo markii ay markabka Lagos ka raaceen, laakiin sahaydii ayaa ka dhammaatay intii ay safarka kusoo jireen.

Sarkaalka Booliska katirsan ayaa sheegay in shirkada markabka ee Cane Wave ay masuuul ka noqon doonto dadkan u dhashay Nigeria ilaa 25-ta maalmood ee soo socda, kadibna ‘si qasab ah dib loogu celin doono’ dalkooda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker