Madaxweynuhu Weli Shacbigiisa Umuu Xaqiijin,Xakamayntii Musuqa

 Madaxweynaha Jsl Mudane Muuse Biixi Waxa Uu Ballan Qaadkiisii Ku Sheegay Inuu Wax Ka Qaban Doono Haddii Uu Talada Dalka Ku Guulaysto Musuqa Iyo Lunsiga Hantida Ummadda,

Si Dakhliga Dawladda Soo Gala Dalka Iyo Dadka Wax Loogu Qabto,Ballanqaadkaasi Iyo In Badan Oo Kale Oo La Mid Ahi Waxay Ahaayeen,Waxyaabihii Bulshadu Ugu Soo Joogsatay,Sababtana U Ahaa Inay Codkooga Siiyaan.

.

Hadaba Maanta Oo Hal Sano Kasoo Wareegtay Xiligii Uu Hogaanka U Qabtay Muuse Biixi Talada Waddanka,Waxa La Odhan Karaa Ma Muuqato Weli Talaabo Xaqiijinaysa Inuu Madaxweynuhu Daacad Ka Yahay,Xakamaynta Musuqa Iyo Hanti Lunsiga,

Maxaa Yeelay Ma Jirto Ilaa Imika Wax Is Bedel Ah Oo Madaxweynuhu Ka Sameeyay,Bartilmaameedka Xudunta U Ah Musuqa Hay’adaha Dawladda Oo Ah,Agaasimayaasha Maamulka Iyo Lacagta Wasaaradaha..

Sharddi Ma Aha Xukuumaddu Inay Meesha Ka Saarto Oo Shaqada Ka Caydhiso,Balse Waxa Muhiim Ah,In La Isku Bedelo,Oo Mid Kastiba La Geeyo Wasaarad Aan Ahayn Tii Uu La Qabsaday,Oo Qaarkood Laga Yaabo Inay Joogeen Goob Qudhaata Muddo Ka Badan 10 Sannadood.

Taasi Waa Midda Xukuumaddu Musuqa Iyo Wax Is Daba Marinta Kaga Sifayn Karto,Hay’adaha Dawladda.

Haddii Kale Madaxweyne Musuqaa Tidhi Wax Baan Ka Qabani,Ogow Weli Waa Halkiisii,Iyo Weliba Kasii Badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker