Yaabka Aduunka: Haweenay Aan Maqal Codka Ragga, Awoodna U Leh Inay Maqasho Codka Dumarka

Mucjisooyinka Dunida ka jira ma aha kuwa aynu soo koobi karno waxaynu mar kasta la kulanaa arrin lama filaan ah.

 

Magaalada Xiamen ee Koonfur bari Dalka China waxa ku nool haweenay qabta xanuun aan hore loo arag oo ka halleelay dhinaca maqalka.

 

Haweenaydan ayaa waxay maqli kartaa Codka Haweenka oo qudha, balse codka Ragga ma maqli karto, dhibaatada noocani ah ma aha mid ay ku dhalatay haweenaydaasi sida lagu baahiyey Daily Mail , laakiin haweenaydan ayaa seexatay kadib subaxnimadii markii ay toostay ayaa waxay maqli weyday Codkii saygeeda.

 

Intaasi kadib, waxa la geeyay dhakhtar waxaanu dhakhtatkaasi sheegay in dhibaato dhinaca Maqalka ah oo ku dhacda 13 kun ee qof hal qof oo ka mid ah soo waajahday gabadhani taasi oo ah xaalad aad loo arag.

 

Waxa aad u adag in xaaladda noocan oo kale ah ay dhakhaatiirtu ogaadaan sababtuna waxay tahay in dhakhaatiirta badankooda xaaladda noocani oo kale ah aanay aqoon u lahayn.

https://www.dailymail.co.uk/health/article-6574093/Woman-unable-hear-voices-men-pick-higher-frequency-tones-females.html

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker