Dowladda Kuwait Oo ku Talisay In la Ilaaliyo Madax-bannaanida Somaliya.

Dowlladda Kuwait ayaa ugu baaqday beesha caalamka ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kaddib kulankii Sabtidii Golaha Amaanku uu ka yeeshay xaalada Soomaaliya.

Hadalka waxaa waxaa Golaha Amaanka ka dhax sheegay Wakiilka dowladda Kuwait Nawaf Al-Ahmed oo dhinaca kale ugu baaqay beesha calaamka in la sii wado taageerrada la siiyo Soomaaliya si ay dowladdu u awoodo sii wadista hormarada kala duwan iyo dib -u-dhiska laga sameynayo wadanka.

Kuwait ayuu sheegay in soo dhaweyneyso qaraarka Qarramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2498 ee muddoi kordhinta loogu sameeyay cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya, isaga oo sheegay in tani ay ka caawineyso Soomaaliya ahmiyada ay leedahay sii wadista taageerada ay Soomaaliya siinayaan beesha caalamka.

Nawaf Al-Ahmed ayaa dhinaca kale sheegay in Kuwait ay soo dhaweyneyso dadaallada Dowladda Soomaaliya ee la xiriira doorashada marka la gaaro sanadkan 2021ka, isaga oo ugu baaqay dhamaan dhinacyada Soomaalida in ay ka adkaadaan wax kasta oo wiiqaya in la gaaro xasilooni siyaasadeed iyo Amni leysku haleyn karo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker