Waxaa Faro galin Nagu Haya Hay,addo U Adeega Somalia ,, Madaxwayne Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay Hay’adaha Qaramada Midoobay oo aan looga baran inay Arrimaha siyaasadda Faro-geliyaan ay hadda faro-gelin siyaasadeed ku hayaan Somaliland isla-markaana doonayaan inay gudaha Somaliland ka fuliyaan Qorsheyaasha Dawladda Soomaaliya.

 

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer ka jeediyey Furitaanka Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo shalay ka furmay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in muddo dheer ay Hay’adaha Samo-falka isku haysteen qorsheyaal ay Dawladda Soomaaliya leedahay oo Hay’aduhu doonayaan inay ka fuliyaan gudaha Somaliland.

 

 

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Beryahan dambe, Hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay ka mid tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Hay’adaheeda oo ay ka mid yihiin Hay’ado badan oo isku Magacaaba Samo-fal, Cashuur-bixiyeyaasha dalalkoodana Lacag kaga soo urursada .

 

 

Waxaanu gargaaraynaa Dad baahan, sanadahan dambe Hay’ado badan oo ka mid ahi waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa ama aan ku habboonayn Qaranimada Somaliland oo ah inay fuliyaan oo ay raacaan Amarrada laga siiyo Villa Somalia (Madaxtooyada Soomaaliya) .

 

Ee Dawladda ay iyagu ilaaliyaan, mushaharka ka bixiyaan ayay amarradeeda qaataan, markaas bay soo gudbiyaan si Somaliland-na ugu dhaqmaan, taasina ma suurtoobayso.”

 

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay “Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya.

 

Anagu waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawlad kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa,

 

Inta aanay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo Qarannimadayada, waxaannu ka rabnaa inaanu wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna.

 

Ka yeelimayno Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa hay’adaheeda iyo kuwa kale ee samo-falka sheegta inay noo soo qaadaan qorshe iyo amarro laga soo bixiyey Xamar oo ay nagula dhaqmaan oo ay keenaan Somaliland,

 

Waana xaaraan oo ma aqbalayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Somaliland Maanta Marxalad bay ku jirtaa oo Dadkeenu dhaqaale ahaan wuu taag-daran yahay,

 

Markaa waanu u baahan nahay in Dadkayaga la caawiyo, laakiin waxaanu qaadanaa mid Qaranimadayada waxba yeelayn,

 

Markaa Hay’adaha waxaanu isku haynaa muddo dheer oo aanu Af, Qoraal iyo Shirba ugu sheegnaa Annagu kama mid nihin Dawladda aad ictiraafsan tihiin ee Xamar joogta oo Col baanu la nahay, wixii aad dalkayaga taraysaan Annaga ayaad nagala tashanaysaan,

 

Sida loo fulinayo, sida loo qorshaynayo iyo baahiyahayaga, ninkii taa yeeli waayaa wixiisa ha iska haysto hadduu Dawlad yahay iyo hadduu Hay’ad yahayba.” Ayuu yidhi,

 

Waxaanu intaa sii raaciyey “Mudnaanta koowaad ee xukuumaddu waa inay ilaaliso madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland oo aanay culays kasta oo yimaadda,

 

Hadduu yahay mid siyaasi ah, mid ciidan iyo mid dhaqaale oo lagu gacan-maroojinayo aanay u dhaqaaqin oo ay lasoo istaagto madax-bannaanida qaranka,

 

Xukuumad ahaanna taasaanu isu taagaynaa, nin kasta oo ciidan badan leh, nin kasta oo qumbulo-durriyo leh iyo cid kasta oo lacag badan leh, midna looga habran maayo Qarannimada Somaliland madax-bannaannideeda.

 

Si kastaba ha u dhacdee labadii Dawladood ee midoobay Lixdankii Dawlado badan waxay ictiraafeen dhinac qudha, iyagoon eegin Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee burburtay inay ka koobnaayeen laba dhinac oo siman oo si mutadawacnimo ah u midoobay,

 

Annagu annagaa ictiraafkayaga samaysanayna, markaanu shaqaysano ee aanu isku filaano Cid noo baahata oo aanu si qadarin leh wax u wada qabsano mooyaane, aqbali mayno Gacmo hoorsi iyo in lana gacan-maroojiyo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker