TACSI TIIRAANYO LEH

INAA LIHAAH WA INAA ILAAHAY RAAJUCUUN……..

Geeridu waa xaq, waanay kala xanuun badan tahay. Reer Imaaraad waxay dareemayaa naxdin aad u daran oo ku saabsan Geerida naxdinta leh ee MARXUUM CABDILLAHI MOHAMED XUSEEN OO LOO YAQAANAY “ LIBAAX”….Marxuum Libaax waxa uu ku geeriyooday shalay oo bishan sideedaad ay tahay 26, 2020…Wadanka isku taga imaaraadka carabta, magaladiisa Abu dhabi.

Marxuum Libaax waxa uu ahaa oday magac iyo sharaf ku leh Jahliyada Reer Somaliland ee dalkan Imaaraadka carabta, isagoo ka mid ahaa odayaashii dalkaas tagay bari hore, kuna noolaa mudo aad u dhaar. Marxuum Libaax waxa uu ka mid ahaa odayaashii xiligii halganka lagu xoraynaayay dalka Somaliland ee ay socotay Jabahadii SNM, odayaashii Jahliyada Imaaraadka ee ka soo qaatay qayb laxaad leh. Marxuum Libaax waxa uu ka mid ahaa odayaasha reer Somaliland ee aad loo qadariyo dalkaas imaaraadka carabta, gaar ahaan magaladii uu ku noolaa mudad dheer ee AL-CAYN.

Marxuum Libaax waxa uu ifka kaga tagay Sideed Caruur ah kala ah Shan rag ah iyo Saddex Dumar ah. Caruurtaa oo kala ah…Moxamed, Zainab, Maxamuud, Xasan, Axmed, Fadumo, Saciid and Maryam. Iyo Hooyo Amina Ibrahim Muhumed.
WAA AFARAY BAROOR DIIQ AH:
Waa lama huraan geeridiyo, Hoyga Aakhiro’e
Hayeeshee huqbay leedihiye, hibasho gooniya’e
Hiirtaanyaday kugu dishaa, hadhiyo laylkiiye
Libaax halyay buu ahaa, loo harraad qabaye
Hufnaan iyo mudnaan iyo hab dhaqan, geesi lagu hiisho.
Iyo hoga tusaalaha gartiyo, guurti ma huraan ah
Geed hadhaaca oo la hadhsadoo, beel haraad tira ah
Hadal deeq leh, isu-soo hilow, dhiiri hana qaada
Inkastoo heddiisii gashoo, laga horjoogaynin
Allow hoyga Aakhiro jannada, hagar la’aan seexi
Inta NEBIGA “SCW” meel la hadhsatee,
Eebow halaagiyo dhiibtiyo, hooga ka ilaali
Eabow haleelada jannada, hoyga u balaadhi.
AMIIN…AMIIN….AMIIN
ANIIS CABDILLAHI CIISE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker