Khilaafkii Doorashada Somalia oo sii Xoogaysaty, iyo Cabdixaashi oo Garoowe ka Degay

Garowe (OW) – Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa gaadhay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe, iyadoo uu la socdo  Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle iyo Siyaasiyiin kale.

 

Xubnahan waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin sar-sare oo ka mid ah maamulka.

 

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo siyaasiyiinta kale ee Tegay magaalada Garowe waxey ka qeyb gali doonaan shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ah ee Machadka Heritage oo 28-ka bishan ka dhici doona magaalada Garowe.

 

Shirkan waxaa lagaga hadlayaa Xasilinta dalka amni ahaan, dhameystirka dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya,

 

Waxaana ka qeyb galaya sidoo kale qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, musharaxiinta mucaaradka iyo xubno kale.

 

Ammaanka magaalada Garowe aad ayaa loo adkeeyay, waxaana la filayaa inuu qabsoomo shirka ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, saamileyda siyaasadda Soomaalida iyo xubno kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker