Falsafadda aanay dad badani dhaadanayn ee uu gudbinayo sooraan!

Waxa laga yaabaa in ay dhallinyaro fara badan ay hoos martay farriinta dhabta ah ee uu gudbinayo; muuqaalkan kooban ee sooraan soo saaray balse ay kaliya ka heleen kalmadaha maadda ah iyo jilliinka cajiibka ah ee Sooraan. Horta Sooraan waa mid ka mid ah jilayaasha ugu saamaynta badan gayiga Soomaalidu degto waqtigan aynu joogno, gaar ahaan Somaliland, waxa aanu isticmaala falsafadda saamaynta ee la xidhiidha waaqica iyo hadba wixii deegaanka ka jira dhaqan ahaan iyo fikir ahaanba, taas oo toos u taabata quluubta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada. Aniga ahaan 3 qodob ayaan ka fahmay farriinta uu gudbinayo muuqaalkani oo xaqiiqo taagan ah; khusaysana dhallinyarada. Taas oo Sooraan si fiican ugu fiirsaday una fahmay ugu danbayna u matalay!

1: Waxa laga dheehan karaa xaqiiqada ah in shukaansigii noqday mid macno beelay oo ka weecday hadafkii guurka, kaas oo inta badan ku idlaada danaysi gaar ah.
2: Waxa kale oo aynu ka baran karnaa in qaybta dareenka oo kaliyi shaqayso dhallinyaradan immika oo aanu jirin mabda’ guur. Taasna waxa kuu muujinaysa siduu isku rogrogayo ee u muujinayo sidii qof naftu hayso oo dareen la tabcaansan, caqliyadiisiina luntay; hoggaankana uu dareen u hayo oo aan garanaynba waxa uu leeyahay ee afkiisa ka soo baxaya.
3: Waxa uu inoo muujinayaa in dhallinyaradii iyaga oo aan awoodin 1-ka doollar ee prepaid-ka in ay shukaansi u tafo xaydanayaan, taasina ay keentay balwad shaxaad ah oo inagu cusub oo la yidhaa (iigu shub Prepaid) oo uu shaxaadkii marayo wax aan ku haasaawo iigu shub, taas oo ay macnaheedu noqon karto haddiiba uu $1 shaxaadayo, sidee ayaa uu u qaadi karaa masuuliyadda qoyska ee salka balaadhan?

Ugu danbayn waxa muhiim ah in aynu wax ka barano dhacdooyinka; una fiirsano ee aynaan ka dhigan maad iyo madadaalo.

Akhriste maxaa aad ka baratay adigu?

 

 

Azli Muuse Omar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker