WADAAD XUME. W/Q: Cabdirisaaq Darwiish
Wadaadadu waa kuwa xambaarsan cilmigii ilaahay ee samaawiga ahaa waa kuwii dhaxlay cilmigii anbiyada sida nabigeena muxamed n.n.k.h inoo sheegay. Bulshada somaliyeed oo kamid ahayd bulshooyinkii ugu horeeyey ee diinta islaamku soo gaadhay ayaa si dhaba u sharfa, maamuusa culimada diinta islaamka xag loo dayaba.
Qadarinta ay u hayaan waxay gaadhay halkii ugu saraysay waxay u loogi jireen xoolahooda kuwa ay jecelyihiin, sidoo kale waxay siin jireen gu’ iyo jiilaal xoolo ay culimadu leedahay oo loo yiqiin “xoolihii xerta”, waxay iska ilaalin jireen in ereyo xun ay ku yidhaahdaan iyagoo dhab u aaminsanaa inay yihiin awliyo ilaahay oo aanay haboonayn in lagu gefo ama xumo loo geysto.
Sidaa oo ay tahay hadana waxa dhulka soomalida ku badnaa kuwo culimo sheegta oo aan ahayn culimadii dhabta ahayd kuwaas oo iyaga iyo dadka caamada ah aanay waxba ku kala duwanayn, waxay ku dhaqmi jireen ficilkasta oo weecsan oo baalmarsan anshaxa culimada diinta islaamka dhab u aaminsan sidaa awgeed ayaa ay soomalidii hore kuwaa culimo isku sheega ah ugu maah-maahi jireen maah-maahdii caanka ahayd ee odhan jirtey “wadaad waa nin” oo macneheedu yahay wadaadka aan ahayn kii dhabta ahaa wuxu u dhaqmi karaa sidii dadka aan iyagu diinta cilmiga u lahayn.
Hadaba gabaygan ayaa xaajigu kaga waramayaa wadaadadii xumaa ee magaca culimo sheegan jirey.
Xaaji aadan axmed afqalooc AHN wuxu gabaygan tiriyey waayadii uu dalka dib ugu soo noqday qarnigii 20aad ee tegay.
Markii uu arkay dhulka soomalida oo ay ku xoogan yihiin dariiqooyin badan oo caqiido ahaan waxbadan ka qaldan yihiin, dariiqooyinkaas oo diinta si qaldan ugu adeegan jirey.
Xaajigu wuxu aqoon fiican u lahaa kasmada shareecada islaamka waxaanu wax ka bartay jaamacadii dunida ugu qiimaha badnayd ee waagaa oo ahayd jaamacada “azhar” ee dalka masar, xaajigu wuxu daraabay ama fogeeyey fahamka qaldan ee wadaadadii dariiqooyinku ay had iyo jeer u akhrin jireen bulshada soomaliyeed ee reer miyiga u badnayd kaas oo uu daf iyo muush ka ahaa in eebe weyne cidkale wax lala wadaajiyo oo cibaadadii uu gaarka u lahaa qayb kamid ah dad aan muteysan loola irkado.
Waqtigaa xaajigu gabayga tirinaayo waxa dhulka soomalida ku badnaa siyaarooyinka culimo hore oo dhimatay, qabriyada ayaa ahaa meelo camiran oo layskugu yimaado cibaadana laga dayo.
Xaajigu waxa uu ganafka ku dhuftay in xabaalaha la siyaarto, in Alle caabudka, Alle bariga iyo cibaadada loo sii maro cid Alle ka sokaysa oo qofka iyo Ilaahay u dhaxaysa oo xidhiidhisa. Waxa kale oo uu Xaajigu diiday in la baryo cid aan Alle ahayn ha noolaato ama ha geeriyoodo iyo in la rumeeyo sheekooyinka mala awaalka ku salaysan ee cilmi qaybka iyo qaddarka la xidhiidha, faalka, sixirka iwm.
Xaajigu wuxu u diyaar garobay sidii uu dadka uga qaban lahaa mugdiga, saxariirka iyo silica jahliga diinta ka haysta ee ay dariiqooyinku dadka ku afuufayaan dharaar iyo habeenba.
Gabaygan dhexdiisa ayuu xaajigu daraabayaa culimadii waagaa ee dariiqooyinka kuwaas oo dadka waxaan diin ahayn diin uga dhigi jirtey sida baryada eebe cid aan ahayn, tuugmada eebe cid aan ahayn, gowraca xoolaha oo eebe cid aan ahayn birta looga aslo iyo khuraafaad kale oo aan diinta sal iyo raad toona ku lahayn.
Xaajiga waxa lagu soo qaaday dagaal cir iyo dhul ah oo aan mararka qaar ka dhicin kii gumaystuhu ku hayey dagmooyinka soomalida iyo dunida guudkeeda, dariiqooyinku waxay u midoobeen sidii ay xaajiga fikradiisa si qaldan bulshada u tusi lahaayeen ugana dhigi lahaayeen mid la dayriyey oo culimada wax loo saaray.
Dagaalkaas dhexmaray xaaji aadan iyo culimadii dariiqooyinka somalida ayaa uu gabaygani ka dhashay oo xaajigu inoogu soo tebinayaa sidii uu xaalku ahaa waxaanu yidhi:
Caalimkii aqoon lihi dalkiis wuu anfacayaaye
Dar kaloo isu ekeysiinayaa diley akhlaaqdiiye
Mid alaylka guuraynayoo xumo abuuraaya
Mid indhaa cirka u taagayoo samada eegaaya
Mid anaa yaxaaska af aqaan ku andacoonaaya
Midaan alif fahmayn oo dadkii wax u iftaynaaya
Mid alaabo shaydaan watoo kuumi ku eryaaya
Argaggaxa mid lala yaabo oo awlax waran haysta
Intaasu waa si wada aadahoo magacu waa Aw-we
Waa niman Islaamkuba la yahay or iyo geeraare
Waa niman xadiiskiyo inkira aayadaha Diine
Nin asbaab Ilaahay heshoo xubin ka iimoobey
Shiikh baa inkaariyo Welay abid ku doodaane
Hadmaa la arkay insaan dhintoo noo arriminaaya
Haddiise uu awoodaba ayaa dhac u ibaaxeeyey
Oofaha muxuu u jebinayaa kaan anfaco siinnin
Idaaja ajalan waa tilmaan lagu ogaadaaye
Marka malag amaanada qabtoo iilka lays geeyo
Allahum aclam ruuxa’e lafuhu ma intiqaalaane
Ilaa yawmul bacath kama baxaan uubtii loo qodaye
Kanaad idinku aragtaanse waa ina Abaaliise.