Wasiirka warfaafinta Somaliland oo si adag uga jawaabay RW Soomaaliya

Wasiirada warfaafinta iyo arrimaha gudaha ee Somaliland, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya Maxammed Xuseen Rooble, ku tilmaamay shakhsi musuq-maasuq badan, waxayna sheegeen in musuqiisa dartii hayโ€™adda ILO ee Qaramada Midoobay Somaliland looga saaray.

Wasiirka warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore, ayaa Rooble ku eedeeyay in markii loo adkaysan kari waayay musuq-maasuqiisa ay xukuumadda Somaliland goโ€™aansatay in la erido hayโ€™adda ILO oo uu madax ka ahaa.

Wasiir Koore oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.โ€Ninkaa raysal wasaaraha ahi wuxuu ka shaqaysan jiray Hargeysa, wuxuu u shaqayn jiray hayโ€™ad la yidhaa ILO, wuxuu ahaa qofka ugu musuq-maasuqa badan oo bini-aadan soo mara, Maxammed Kaahin oo wasiirka arrimaha gudaha ah ayaa Hargeysa ka caydhiyay, markii loo adkaysan waayay musuqmaasuqiisii iyo wuxuu hayโ€™adda ku hayay, maantana dad ayuu soo hor-fadhiisanaya oo uu wax u sheegayaaโ€

Koore ayaa dadka Soomaalida ku tilmaamay qaar habaar qaba haddiiba shakhsi Rooble oo kale ah ay madax ka dhigteen, wuxuuna tilmaamay in Rooble uu jeebka ku shubtay gar gaarkii Qaramada Midoobay ugu talo gashay shacbiga taagta daran ee Somaliland.

Waxaanu yidhi.โ€Waa qofka sababay in hayโ€™adda ILO dalka laga saaro, sidii uu u samaynayay shilimadii dadka tabaalaysan ee reer Somaliland loogu soo talo galay, maantana wuxu ka hadlayaa amni, dadka Soomaalidu waa dad habaar ku dhacay, waayo kaas oo kale, ayaa masuuliyad u qabanaya oo usoo fadhiisanayaโ€

Wasiirka arrimaha gudaha Maxammed Kaahin Axmed oo madasha Koore ka hadlayay joogay, ayaa sheegay in uu isagu Rooble iyo hayโ€™adda uu madaxda u ahaaba Somaliland ka eryay.

Wasiir Kaahin isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.โ€Wasiir Koore waa runtii raysal wasaaraha Soomaaliya hayโ€™ada ILO ee shaqaalaha adduunyada ka shaqaysa ayuu madax ka ahaa oo uu joogay, saddex wasaaradood ayaa la shaqaynayay, saddexdayadii wasiirba waxaanu is ku raacnay in nin kaasi aanu ahayn masuul, Qaran iyo umad u joogi kara, warqadiisiina aniga ayaa qorayโ€

Xukuumada Somaliland ayaa hayโ€™adDa ILO oo hoostagta QM Somaliland ka saartay 10 bishii May ee sannadkii 2019, waxayna xukuumaddu ku eedaysay in hayโ€™addu ay ku guuldaraysatay in ay la shaqayso wasaaraddaha ay howl wadaagta leeyihiin, howl gudasho laโ€™aan iyo in ay soo jawaabi wayday markii loo sheegay cabashada laga qabo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker