Waa kuma ninka darbi-ka-bood ah ee la sheegay in uu warqad hanjabaad dil ah u qoray Donlad Trump?

Nin lagu eedeeyay in uu qoray warqado uu ugu hanjabayo in uu dili doono madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la xidhay, sida ay baadhayaashu sheegeen.

Ramon Morales-Reyes, oo 54 jir ah oo aan wax sharci ah haysan, ayaa la xidhay todobaadkii hore kaddib markii ay saraakiishu ku eedeeyeen in uu ku hanjabay in uu toogan doono Trump. Waxa uu wajahayaa dhageysiga dawcad masaafurin ah Arbacada.

Dacwad oogayaasha maxkamada ayaa hadda ku andacoonaya in warqadaha uu qoray nin kale oo la yidhaahdo Demetric Deshawn Scott, kaas oo lagu wado in lagu maxkamadeeyo eedeymaha uu u geystay Mr Morales-Reyes.

Mr Scott ayaa lagu soo oogay dacwad ah caga jugleyn markhaati, xatooyo aqoonsi iyo jebin damiin. Wuxuu u sheegay baarayaasha in uu warqadaha u qoray si uu uga ilaaliyo Mr Morales-Reyes in uu ku marag furo kiiska tuuganimada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker