Tababar ku saabsan Amniga Badda oo loo furay Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland

Berbera(OWN)- Tababar ku saabsan habka badbaadadda aasaasiga ah  (Basic safety Training ) ee howl-galada Badda, ayaa looga furay Magaalada Berbera 2-dii bishan February Unug kamida Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, kaasoo socon doona muddo laba todobaad ah, isla markaana ay maal-gelinayso Dawladda Sweden soo maraysay Hay’adda EUCAP, uuna fulinayo machad-ka Culuumta Baddaha ee MFA.

 

Tababarkan oo ka kooban saddex qaybood oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfada Ciidanka ee la xidhiidha dhanka amniga badda,qaybtanina ay tahay qaybtii 1aad,  ayaa waxa munaasibada lagu furay ka qayb-galay Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha Admiral guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Saraakiil ka socda Hay’addaha bixinaya Tababarka iyo Duqa Magaalada Berbera.

 

Xubno kamida Saraakiisha Ciidanka iyo Wakiillo ka socday hay’addaha oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimada uu u leeyahay tababarkani Ciidanka, waxaanay Askarta kula dardaarmeen inay ka faa’idaystaan duruusta lagu barayo si ay ugu dabaqaan shaqadooda.

 

Saraakiisha ayaa sheegay in inta uu socdo aqoon-korodhsigani Ciidanka la bari doono habka badbaadada Caafimaadka, ka howl-galada Shilalka ka dhaca gudaha badda iyo xirfado kale oo ku taxaluqa sugida amniga Badda.

 

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo gabagabadii halkaa ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan ay ka faa’idaysan doonaan tobanaan kamid ah Ciidanka oo isugu jira Saraakiil iyo Dhameyaal, waxaanu intaa raaciyey inay tobanka bishan loo keeni doono 3 Doonyood oo casri ah,kuwaasoo loogu caawiyey Ciidanka.

 

“Doonyahaasi waxay inaga buuxin doonaan kaalin weyn oo kamida shaqadeena. shaqadeenu waa shaqo balaadhan waxa la rabaa inaan baddaa wixii sharciga khilaafsan ee soo gala aynu la dagaalano, markaa waxa loo baahnaa weelkii aynu ku dagaalami lahayn, laakiinse waa inoo imanayaa”ayuu yidhi Admiral Xiirane.

 

Halkan ka Daawo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker