Dawladda Turkiga oo Hanjabaad kulul u dirtay Jeneraal Khalifa Xaftar sheegtayna inay Tallaabo ka qaadi doonto Hadii uu siidayn waayo 6 Qof oo Turkish ah

Dowladda Turkiga ayaa dalbatay in si degdeg ah lagu sii daayo lix qof oo muwaadiniinteeda ah, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan maleeshiyo taabacsan dagaal oogaha Liibiya, Jeneraal Khalifa Xaftar.

War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in xadhiga muwaadiniinteeda uu yahay “budhcadnimo.”

Wasaaradda ayaa sheegtay in haddii la sii deyn waayo la-haystayaashaasi, ay bartilmaameed milateri oo sharci ah u noqonayaan xooggaga uu hogaamiyo janankaasi.

Dhiillo colaadeed, cabsi iyo jahawareer ka taagan caasimadda dalka Liibiya

Caalamka oo cambaareeyay dagaallada kasoo cusboonaaday Liibiya

Shaqaale QM oo lagu weerarray Liibiya

Xooggaga Xaftar ayaa Jimcihii shaaciyay inay beegsan doonaan maraakiibta Turkiga ee mara biyaha Liibiya iyo ganacsiyada ay muwaadiniinta dalkaasi ku leeyihiin Liibiya.

Sidoo kale waxa ay sheegteen inay burburiyeen diyaarad bilaa duuliye ah oo Turkiga lahaa, taasoo taalay garoon ku yaal caasimada Tripoli.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid aargoosi u ah hubka ay xukuumadda Ankara siiso dowladda caalamka uu aqoonsan yahay ee Liibiya, fadhigeeduna yahay caasimadda Tripoli.

Jeneraalka oo taagero ka haysta Imaaraadka iyo Masar ayaa intii muddo ah isku dayay inuu qabsado caasimadda.

Maalmo ka horna, xoogaggiisa ayaa waxaa soo gaadhay jab weyn, kadib markii laga saaray magaalo u dhaw caasimadda.

Dalka Liibiya ayaa qalalaaso iyo colaad sokeeye ku jiray tan iyo markii xukunka laga tuuray,Madaxwaynihii wakhtiga dheer Xukumijiray ee Kornayl Mucamar Al Qadaafi Sannaddii 2011

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker