Xaaladda Dalka Soomaaliya Oo Waji Qasan Gashay, Iyo Mucaaridka Oo Xalay Kulan Gaara Yeeshay

Iyada oo ay maanta ku egtahay muddo xileedkii Madaxweynaha dalkaasi Soomaaliya Farmaajo loo dhaariyay xilka madaxnimo ayaa waxa xaalad jahawareer ah oo siyaasadeed ku jira waddanka Soomaaliya kadib khilaaf ba’an oo ragaadiyay hannaanka doorashada loo qaban lahaa.

Iyada oo xaaladdu qasan tahay ayaa haddaba shalay maqribkii waxa magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynayaashii hore ee dalkaasi Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta kuwaasi oo xalay fiidkii guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi, xilli ay xaalad cakiran ka taagan tahay dalkaasi.

Sida ay ogaadeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa sii galbiyay soddameeyo kolonyo isugu jirta gaadiidka dagaalka iyo kuwa aan xabbadaha karin, xiliga ay tagayeen guriga Cali Mahdi, waxaana hadda u socda shir ay albaabadu u xidhan yihiin.

Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa ka wada-hadlaya xaalka cakiran ee dalka, xili ay muddo saacado ah ka harsan yihiin muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo ay xusid mudan tahay inuusan jirin heshiis siyaasadeed looga gudbi karo xaaladan cakiran.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa sidoo kale waxa uu u muuqda dhoolatus nooc cusub ah, maadama uu kusoo aaday iyada oo saacada un ka harsan tahay muddo xileedka Farmaajo, oo ay si weyn isku hayaan Musharaxiintan.

Midowga Musharaxiinta mucaaridka oo qeyb ka yihiin madaxweynayaashii hore ayaa waxay hore uga digeen firaaq dastuuri ah, iyaga oo kal hore shaaciyey guddiyo doorasho, lamana oga tallaabada ay qaadi doonaan xiligan xasaasiga ah, oo laga cabsi qabo in amaanka guud uu faraha ka baxo.

Caasimada Online ayaa fahamsan in wixii ka dambeeya caawa marka ay saacaddu tahay 11:59 PM aysan Musharaxiinta Mucaaradka u aqoonsan doonin Farmaajo inuu dalka madaxweyne ka yahay, maadaama aanu jirin heshiis doorasho lagu aadi karo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker