Kenya Oo Shaacisay Halka Lagu Farsameeyo Qaraxyada Al-shabaab ka Fuliyaan Dalkeeda.

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska dalka Kenya, Hillary Mutyambai ayaa shaaciyey xog cusub oo ku aadan, halka lagu farsameeyo qaraxyada Al-Shabaab, gaar ahaan nooca miinooyinka ee lala bartilmaameedsado ciidamada dalkaasi.

Hillary oo soo xiganaya saraakiisha sirdoonka Kenya ayaa sheegay in qaraxyada miinada ah ee Al-Shabaab lagu sameeyo degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kadibna loo gudbiyo deegaanada dhaca xadka Soomaaliya iyo kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in qaraxyadaasi oo ah kuwo diyaarsan ay Al-Shabaab habab kala duwan ku galiyaan gudaha Kenya, si loogu geeyo dagaalyahannadooda ku sugan deegaanada dhaca sohdinta labada dal.

Ugu dambeyn taliyaha Booliska Kenya ayaa sheegay in mar weliba ay ka hortagi doonaan weerarada Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iydoo muddooyinkii dambe kooxda Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliso Kenya, gaar ahaan qaraxyada ay la bartilmaameedsado ciidamada Booliska ee ka howlgala xuduudka dheer ee dalalka Soomaaliya iyo Keyna.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker