Mbappe oo kulan la qaatay madaxweynaha Faransiiska iyo Amiirka Qatar

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa xalay kulan casho ah kula qaatay Elysee Palace, oo ah aqalka looga taliyo dalka faransiiska Madaxweynaha dalkaasEmmanuel Macron iyo Amiirka Qatar.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa Talaadadii soo qaban qaabiyay casho sharaf loo sameeyay Sheekh Tamim isagoo sida oo kale ku casuumay Mbappe iyo guddoomiyaha PSG Nasser Al-Khelaifi inay ku soo biiraan.

Inkasta oo Mbappe ay aad muddooyinkii danbe u socotay xogta ku saabsan ka tagitaankiisa PSG ee xilli ciyaareedka soo socda, haddana mawduucaasi ma ahayn mid lagu soo hadal qaaday cashada sida ay tebiyeen warbaahinta Faransiiska.

Macron, ayaa ah taageere gaar ah oo Mbappe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker