Ciidamada Pakistaan Iyo Hindiya Oo Ku Dagaalamay Xadka Gobolka Kashmiir

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku geeriyootay rasaas ay is weydaarsadeen ciidamada ilaalada xaduudaha dalalka Pakistan iyo Hindiya gobolka Kashmiir.

 

 

Warbaahinta Hindiya oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan booliska Hindiya oo ku sugan gobolka Kashmiir oo lagu magacaabo Shri Ram Ambarkar, ayaa sheegay in 3 ruux oo rayid ay geeriyoodeen.

 

 

Dadkaas ayuu sheegay in ay ku dhaceen madaafic ay soo rideen ciidamada Pakistan, taas oo guryahooda ugu tagtay dadkaas aan waxba galabsan oo deganaa magaalada Kupwara oo xaduuda ku taalla, sida uu sheegay.

 

Sarkaalkaas ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay madaafiicdaas ay soo rideen ciidamada dowladda Pakistan.

Sidoo kale war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Pakistan ayaa lagu sheegay in ay jiraan madaafiic ku dhacday xaduuda dhanka Pakistan oo Hindiya ay ku soo riday.

 

 

Warkan waxaa lagu sheegay in ciidamada Hindiya ay si ula kac ah u bartilmaameedsadeen xaafado ay degan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla magaalo la yiraahdo Baroh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker