Warbixin Ciidamada Ethiopia Oo Ugu Yaraan Ku Dilay 75 qof Rabshadihii Fanaanka Hachalu Hundessa

Ciidamada amniga ee Ethiopia ayaa dilay 75 qof , ilaa 200 qof dhaawacay ka dib markii dalkaasi ay gilgileen rabshado ka dhashay dilkii Fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen guddiga xuquuqda Insaanka u qaabilsan wadanka Ethiopia

Warbixinta oo maanta oo jimce ah la daabacay ayaa sheegtay in guud ahaan 200 qof ay rabshadahaasi ku dhinteen 123 qof, ilaa 500 qof oo kalena dhaawacyo ay ka soo gaareen, rabshadahan ayaa ahaa kuwii ugu xumaa ee dalkaasi soo mara mudo sanado ah.

Qaar ka mid ah dhibanayaasha ayaa qoorta laga jaray, qaar kale waa la jirday oo wadooyinka ayaa maydadkooda lagu jiiday sida lagu sheegay warbixinta hay’ada, sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in dad badan oo qowmiyada amxaarada ee ku nool caasimada Adis-ababa la bartilmaameedsaday.

” Kadib dilkii Hachalu, dadka shacabka ah waxaa guryahooda ku weeraray kooxo ama shakhsiyaad, waxaa la garaacay, wadooyinka ayaa lagu laayay, si naxariis darro ayaa waxaa loo adeegsaday midiyo,faasas, biro shub ah,dhagaxyo iyo xargaha korontada” sidaas waxaa sheegay warbixinta guddiga xuquuqul insaanka Ethiopia

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo haysta abaalmarinta nabada ee Nobel waxaa caqabad ka haysataa rabshadaha iyo khilaafaadka u dhexeeya 80 qowmiyadood ee ku nool wadankaa Ethiopia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker