Madaxweyne Gudoomiyaha Maxkamada, Jananka, Wasiirka Dibada, Xirsiga Madaxtooyada Iyo Mansabyadii Qaranka Waxad ku Koobtay Beeshaada, Cadaalad iyo Wax Wada-lahaansho Cunaha Aan Dhaafsiisnayna Waad Sheegaysa, ee Maxaa Kaa Lilaaliyaha?.W/Q Oday Jaamac Cumar Warsame.

“..Nin dawee la leeyahay, Dembi uu badh leeyahay, Xalka doon la leeyahay, Isaguu u daranyoo, In uu daaro ma oggola, Daaraanta mililka leh, anna deyso ma oggoli”.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi, ayaa Sheegay inuu aqoon-durugsan u leeyahay sida loo xaliyo dhibaatada jirta, isla markaana waxa uu garoowsho ka bixiyey cadaalad darada laga tirsanayo Iyo saami-qaybsiga dhinaca ka raran ee Xukuumadiisa, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu waxka qaban-doono.
Hase-yeeshee waxa iswaydiintu ma maanta ayey bilaabantay cabashada uu leeyahay waxbaa ka qaban doona Madaxweyne Muuse,mise 8 bilood ayaa afart kooneba Somaliland ka qaylinaysa cadaalad darrada uu bilaabay, teeda kale, goorta uu waxka qabashada sheegaya hareerihiisa ma eegay Madaxweyne Muuse yaa ag taagan?.
Waxa hubaal ah, inuu Madaxweyne Muuse Biixi aanu ugu talogelin inuu xukumo Somaliland lå wada leeyahay, maxa yeelay, waxa uu eexeystay inuu beeshiisa ku taxo mansabyadii qaranka halbowlaha u ahaa, oo intuu Beelaha kaloo dhan qadiyey, kuwsoo koobay wiilal uu adeer u yahay, taasina waa dulmiga Somaliland u dumayso hadaan degdeg wax looga qaban.
Waxa laayaab leh, oo qaabka jees-jeeska ah ee u Madaxweyne Muuse uga hadlaayo dal lå wada leeyahay, garabkiisa waxa jooga Gudoomiyaha Maxkamada oo u adeer u yahay, Madaxweynaha qarsoon oo ku sheegay Xoghayaha golaha Wasiiradda oo u adeer u yahay, Taliyaha Ciidanka oo ay ilmaadeer yihiin iyo Wasiirka arrimaha dibada, warfaafinta iyo qaar kaloo badan, dhamaantood waa qoyska Madaxweynaha, markaa sideebay cadaaladdi ku iman kartaa.
“Nin dawee la leeyahay,
Dembi uu badh leeyahay,
Xalka doon la leeyahay,
Isaguu u daranyoo,
In uu daaro ma oggola,
Daaraanta mililka leh,
Anna deyso ma oggoli,
Deebaaqda igu mudan,
Talaa maanta ii daran,
Talo dug ka hadhi karo,
Oo dalabta lagu saxo,
Talo aan la duri karin,
Talo aan dib loo arag,
Hebello isu dooddiya,
Oo shicibka dala’sada,
Waxa maanta ii daran,
Horto nabadda doocaan,
Nabad loo diyaar yahay,
Nabad dira-diraaliyo,
Nin dan lihi ku quustaan,
Nabad waysla daallee,
Deggenaansho lagu helo,
Waxa maanta ii daran,
Qaran haga dadweynaha,
Qaran damal sidiisii,
Loo dallaalimeeyoo,
Soo taabta darifyada,
Qaran aan dir-sooc jirin,
Qaran aan ahayn dulin,
Nabad-doonka beeshiyo,
Raacatada dul-saar ku ah,
Isku soo dabbaaloo,
Waxan doonayaa Qaran,
Qaran dhaama kii hore:
Sidaas daraadeed Madaxweyne waxa lagaaga fadhiya inaad garbahaaga cadaalada ka bilowdo, Gudoomiyaha Maxkamada iyo jananka Ciidamada, Wasiirka dibada intaasiba waa inaad beeshaada degdeg uga qaada, darafyada siisaa. Hadii kale Somaliland gacantaaday eersan doontaa.
W/Q Oday Jaamac Cumar Warsame.
Boorama/ Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker