Wasiirka Faratoon oo ka Warbixiyay Nuxurka Shirkii Somaliland iyo Somalia ugu soo dhamaaday Wadanka Jabouti

Hargeysa (OWN) – Xukuumadda  ayaa ka hadashay madax-banaanida, qaranimada iyo qadiyadda Somaliland, waxayna tilmaantay inay mar kasta diyaar la tahay inay cid walba ku qanciso jiritaanka dawladnimadeeda iyo inay tahay dal xor ah oo Dimuqraadiya,  kana madax-banaan Soomaaliya.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika  ayaa sidoo kale  ka hadlay Shirkii wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jabuuti,

Qadiyadda madax-banaanida Somaliland iyo khudbaddii uu Madaxweynuhu soo jeediyey, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dal jira oo xor ah ayeynu nahay, dabcan ma nihin dal ku hoos jira dal kale, oo dal kale u taliyo ee waxaynu nahay Dawlad, waxaynu leenahay Madaxweyne shacabkiisu si xor u doorteen.

Waxaynu nahay dal Dimuqraadiya, shuruud kasta oo dal madax banaan looga baahan yahayna weynu dhamaystiranay, xidihidh fiicana weynu la leenahay Wadamada Caalamka iyo waliba Waddamada aynu jaarka nahay”.

 

 

Mar uu ka hadlayey khudbaddii Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, khudbad qoto dheer oo ay  ka muuqato waayo-aragnimo iyo aqoon ayuu soo jeediyey,

Madaxweynuhu wuxuu si cad ugu warramay marxaladihii aynu soo marnay, iyo kala duwanaashaha aynu kala duwan nahay Soomaaliya, iyo inaynu waliba inagu dawladnimada uga horaynay,

Markaas Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisuba waxay diyaar u yihiin inay cid kasta ku qanciyaan sharcinimada qaranimada Somaliland iyo jiritaankeena dawladnimo,  Madaxweynaha khudbaddiisina Caalamku uu garwaaqsaday, wax kasta oo inaga maqan inaynu helno xaq baynu u leenahay, weynu heli doonaa insha allaah”.

 

 

Mar uu ka hadlayey qaabkii Somaliland loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey  ayaa yidhi “Shacabku waxay noo muujiyeen soo dhawayn aad iyo aad u ballaadhan, si milgo iyo gobonimo lehna wey noo soo dhaweeyeen, aad iyo aadna waanu ugu mahadnaqaynaa”.

 

 

Mar uu ka hadlayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa yidhi “Wada-hadalladu wey sii socon doonaan, qodobbo badan oo laga wada hadli doonaana way jirin doonaan insha allaah, mar kasta waxaanu diyaar u nahay in aanu cid walba qancino, qodobbo kasta oo laga hadlayana aanu doodayada ka dhiibano, si cadna aanu u qancino cid kasta”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker