Garsoorka Maamulka Puntland oo Xukun ku Riday Ninkii Fududeeyay Dilkii maareeyihii shirkadda PD World Paul Anthony Farmosa.

Garowe (OWN) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa saaka xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidamada Badda maamulkaasi oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilkii bishii February ee sanadkan magaalada Boosaaso loogu geystay maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.

Askarigan oo lagu magacaabo Dable Cabdi Cali Xirsi ayaa la sheegay inuu fududeeyey dilkaasi.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntlad oo saaka go’aan ka gaadhasay kiiskan ayaa askarigaasi ku xukuntay dil toogasho ah.

Sidoo kale waxay maxkamaddu shaacisay in eedeysanaha uu weli heysto racfaan uu ku qaadan karo muddo bil ah.

Xukunka askarigan ayaa lagu soo aadiyey, iyadoo ay dhawaan Puntland shaacisay inay ku dhawaaqeyso baadhitaanka dilkii Paul Anthony Farmosa.

“Dowladda Puntland waxay si buuxda ula shaqeyneysa geedi u socod kasta oo baaritaan lagu sameynayo, waxayna dhowaan baahineysaa fahfaahinta baaritaanka gaarka ah ee dilka maamulihii P&O.” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay Puntland.

Arrintan ayaa soo ifbaxday, kadib markii uu dhawaan wargeyska New York Times shaaciyey in Qatar ay ku lug laheyd qarax iyo dil ka dhacay bishii May ee sanadkan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Halkaan ka daawo Axmed Madoobe oo sida Roobow la xirayo iyo qorshaha Macalin Maxamuud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker