Toogasho ay dad ku dhinteen oo ka dhacday Monterey Park ee gobolka California

Sagaal qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday goob ganacsi oo ku taal magaalada Monterey Park ee gobolka California, sida ay booliisku sheegeen. Dhacdadan ayaa dhacday abaaro 22:20 wakhtiga maxaliga ah ee sabtida (06:20 GMT ee Axada).

Kumanaan dad ah ayaa goor sii horeysay isugu soo baxay magaalada Monterey Park ee dabbaaldegga sanadka cusub. Booliska ayaan weli sheegin tirada dadka ku dhaawacmay toogashadaasi, iyo haddii ay dad u soo qab qabteen. Booliska degmada Los Angeles ayaa sheegtay in qof latuhunsayahy uu yahay nin.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo badan oo booliis ah oo ku sugan magaalada, taasoo ku taal qiyaastii sideed mayl (13km) dhanka bari ee magaalada Los Angeles.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker