Naigeria oo cunaqabatayntii ka qaadday dalalkii ay ugu hanjabtay fara galin milatari

Ka dib markii ay ciidamadu la wareegeen awoodda dalka Niger sannadkii hore, madaxweynaha dalka ay deriska yihiin ee Nigeria ayaa safka hore kaga jiray dalabaadka ku aaddan in taliska milatariga uu xukunka ka dego, isagoo xitaa ka digay in ururka galbeedka Afrika ay awood milateri u adeegsan doonaan si ay xilka uga tuuraan Jeneraallada, iyagoo ku soo rogay cunaqabatayn adag iyo xidhitaanka xadka.

Si kastaba ha ahaatee siddeed bilood ka dib, Bola Tinubu wuxuu qaaday dhammaan xayiraadahaas.

Siyaabo badan, waxay kor u kac weyn ku tahay urur goboleedka Ecowas, laakiin sidoo kale shakhsi ahaan ayay ceeb u tahay Mr Tinubu, falanqeeyayaasha ayaa leh.

Soo dhawaynta diirran ee cunaqabataynta laga qaaday Niger ayaa sidoo kale muujinaysa sida aan loo jeclayn booskiisa asalka ah, ee adag.

Isasoo majiirka ayey qayb ahaan sababtay Niger, oo ay weheliyaan maamulka kale ee milatariga ee Burkina Faso iyo Mali, oo mug weyn ku lahaa saamiga Ururka ECOWAS ayaa sheegay in ay gebi ahaanba ka baxayaan Ecowas, taasoo keentay su’aalo dhab ah oo ku saabsan mustaqbalka ururka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker