Sideen U Arkaa Qarraarka Maxkamadda Dastuuriga Kasoo baxey?

Maxkamadda Dastuurigu waxey aqbashey codsiga Madaxweynaha ee ku taariikheysan 12-08-2020.  Su’aasha meesha taala ayaa ah Maxkamadda Dastuurigu arimaha ay ka garnaqdo, codsiyadu maka mid yihiin marka indho qaanuuni ah iyo mid dastuuri ah lagu eego? Se codsiga Madaxweynuhu ma wuxuu ahaa codsi uu leeyahey xeerkaa ama qodobkaa Dastuurka waafajiya ama tafsiir ka bixiya? anigu ma arag horta! laakiin sababta loo arki waayay  codsiga Madaxweynaha ayaa ah wax la is weydiin karo?.

 

Sida sharciga ah  Maxkamada Dastuurigu waxey qaadaa: dacwadaha Dastuuriga ah, fasiraadaha sharciga ah, waafajinta qodobadda Dastuuriga ah iyo wax ka badalka xukunadda Dastuurka khilaafsan ee Garsoorka kasoo baxa. Maxkamadda Dastuuriga ah go’aamadeeda kuma jirto in ay laasho ‘’ Weedh’’ ee waxey laashaa xeer ama qodob dastuurnimadiisa la isku khilaafsan yahey. Hadda waxey Maxkamaddu laashey ‘Weedh’. Weedhahana waxa laga bixiyaa tafsiir qeexaya macnaha iyo nuxurka dastuurnimadiisa laga hadlayo. Imika Maxkamadda Dastuurigu ma dacwad bey qaadey? ma qodobey laashey? ma fasiraadbey sameysay?

 

Anigu waxan qabaa in ay intaaba midna aaney sameyn ee ay sharci sameysay. Sharci-sameyntana waxa leh Golayaasha sharci-dajinta. Maxkamadduna maaha Baarlamaan. Waxanan qabaa in qaraarkani  ka soo horjeedo qodobka 37 ee dastuurka oo kala soocaya awoodaha iyo laamaha Qaranka iyo qodobka 38 ee Dastuurka oo sheegaya in awoodda sharci dejintu u gaar tahay golaha Baarlamaanka.  Maxkamadda sare na go’aanadeeda laguma saleyn karo go’aan siyaasi ah sida uu dhigayo qodobka 15’aad faqradiisa (2) ee  Xeerka Nidaamka Garsoorka .

 

Sidaa darteed Codsiga Madaxweynuhu ma wuxu yeelanayaa nuxur Siyaasadeed mise mid Qanuun? waayo? ma sheegin Maxkamaddu qodob ka soo horjeeda dastuurka oo la jabiyey. Awoodeeduna waxa ay ku eeg tahay tafsiirka dastuurka iyo dastuurnimadda waxa la iskaga soo horjeedo. Ugu dambeyn Maxkamaddu waxey qaraarisey in qaabka saami-qeybsiga kuraasta Baarlamaanku waligiiba sidan ahaan doono hadii aan la sameyn xeer doorasho oo ka duwan kii 2005 tii.

 

F.G. Falanqeyntan iyo qoraalkeygani wuxuu ka shidaal-qaadanayaa dastuurka, xeerka nidaamka garsoorka iyo fikradaha ijtimaaciga ah ee qaanuunka iyo siyaasadda ee aan Cabdiqani ahaan qabo. cidna kuma matalo.

 

 

 

Cadbiqani Mandela.

Qareen iyo garyaqaan barta Qaanuunka Caalamiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker