Lacag Mallaayiin Dollar Ah Oo Been Abuur Ah Iyo Raggii Sitay Oo Lagu Qabtay Dalka Kenya

Nin dalka Kenya u dhashay iyo labo Nin oo kale oo iyaguna u dhashay dalka Chad ayaa lagu xidhay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaddib markii lagu arkay lacag u dhiganta hal bilyan oo shillinka Kenya ah ama 9.9 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Noocyada Lacagtani ka koobneyd ayaa lagu sheegay inay aheyd Dollar iyo Euro been abuur ah, waa siday booliisku dalkaasi sheegeene.

Haddaba, Saddexdan nin ayaa lagu soo qabtay guri ku yaalla Westlands.

Sidoo kale, Baadheyaashu waxay sheegeen inay gurigaas galeen ka dib markii ay tilmaan ka heleen qof shacab ah.

Intaasi kaddibna, Baadheyaasha oo ka tirsan booliiska dambi baarista ee CID-loo yaqaanno ayaa iyaguna Twitter-ka soo dhigay sawirkan tilmaamaya lacagta been abuurka ah iyo dadka ay u qabteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker