Saraakiil kenyan ah oo lagu soo xidhxidhay weerar lagu qaaday guri lagu hayay dad Itoobiyaan ah

Afar sarkaal oo boolis ah ayaa lagu xiray dalka Kenya, kadib markii ciidamada dambi baarista ay weerareen guri ay ku xirnaayeen 37 qof oo Itoobiyaan ah, oo ku sugnaa qiyaastii meel 16-km u jirta magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Saraakiishan ayaa looga shakisan yahay inay gacan siiyeen hawl-gallo tahriibin ah.

Dadkan Itoobiyaanka ah ayaa u sheegay madaxda Kenya inay ku sii jeedeen Koonfur Afrika si ay nolol dhaanta middii ay ku jireen u helaan, sida uu qoray wargeyska The Star ee dalka Kenya ka soo baxa.

Waxaa socda baadigoobka milkiilaha guriga iyo xubno kale oo ka tirsan kooxaha wax tahriibiya.

Kenya ayaa marin u ah tahriibayaasha Itoobiyaanka ah ee isku dayaya in ay si sharci darro ah ku galaan Koonfur Afrika, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

Hay’addu waxay sheegtay in dadka tahriibayaasha ah oo u badan rag ka soo jeeda gobollada Oromada iyo SNNP ee dalka Itoobiya, ay Kenya ka soo galaan barta xudduudda ee Mooyaale, ka hor inta aanay u sii gudbin Tanzania si ay u gaaraan ugu dambayn Koonfur Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker