Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo booqday jiidaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya iyo TPLF

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqasho ku tagay meelo ka mid ah jiiddaha dagaalka ay isaga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya iyo Jabhada TPLF.

Abiy ayaa wakhti la qaatay ciidanka difaaca Itoobiya ee ku sugan goobtaasi.

Ra’isul Wasaaraha ayaa xuska sannad-guurada cusub ee tirsiga taariikhda Itoobiya kula xusay halkaasi ciidanka difaaca qaranka, isagoo halkaasi ka soo jeediyay hambalyada sannad-guurada cusub..

Waxaa uu sheegay in ciidanka difaaca qaranku soo hooyeen guulo la taaban karo, iyagoo si weyn u burburiyay wax uu ugu yeeray cadawgii dhabar-jabinta ku sameeyay qeybta waqooyi oo ula jeeday ciidamada Tigray.

Ra’isul-wasaraha ayaa sida oo kale sheegay in ay beesha caalamku qirtay geesinnimada ciidanka difaaca qaranka, waxaana uu kula dardaarmay guusha kaddib inay ilaaliyaan akhlaaqda iyo

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaalkani laga kororsaday khibrad iyo waayo-aragnimo, ayna cadaatay in Itoobiya leedahay ciidan u babac dhigi kara cadow kasta.

Itoobiya ayaa dagaal kula jirta xoogaga gobolka Tigray ee TPLF oo haatan ka dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolada Cafarta iyo amxaarada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker