Jabuuti oo shaacisay natiijada horudhaca ah ee doorashada Golaha Baarlamaanka

Waxaa xalay la shaaciyay natiijaada hor-dhaca ah, ee doorashada golaha baarlamaanka Dalka Jabuuti ee shalay la qabtay.

Xisbiga haya talada, iyo hal xisbi oo kale oo mucaarad ah, ayaa ku tartamay doorashada, waxaana loo tartamayey35 kursi.

Doorashada ayaa waxaa la furay aroortii hore ee shalay, iyadoo soo gaartay illaa iyo gabal dhicii ee xalay, waxaa lagu daray hal saac, oo waxay soo gaba gabawday 07:00 fiidnimo xalay ee waqtiga Djibouti.

Xubnaha lasoo doorto, ayaa noqon doona shanta sano ee soo socota xildhibaanda golaha baarlamaanka Djibouti.

Natiijada doorashada ee hordhaca ah, ayaa waxaa ku dhawaaqay xalay saqdii dhexe wasiirka arrimaha gudaha Djibouti, Saciid Nuur Xasan. Wasiirka ayaa sheegay in doorashada, ay ku tartameen UMP, iyo xisbiga UDJ.

Doorashada, ayaa waxaa kaqeyb qaatay shacabka Djibouti dhamaantiis, iyadoo sanaadiiqda cod bixinta la gaarsiiyey meel walba, si qof waliba uu codkiisa u dhiibto.

Magaalada caasimadda Jabuuti waxaa diiwan gashanaa 143, 660 qof. Dadka codeeyey, ee codkooda ansax noqdeen, waxey noqdeen 94,817, codadka xumaaday waxey noqdeen 3,100., waxaana ansax noqday oo hagaagay wadarta codadka 11,717.

Murashaxiinta ka socda xisbiga EMB, ayaa waxey heleen codad dhan 85%, halka murashaxiinta liiska UDJ ay heleen 11%kuraasta loo tartamayey Golaha Baarlmaaanka.

Kuraasta loo tartamayey oo ka kooban 35 kursi, xisbiga UMP, ayaa waxaa uu helay 28 kursi, halka xisibga UDJ ay heleen 7 kursi oo kaliya.

Dhinaca kale, gobolka Carta, oo ay taalay 3 kursi, xisbiga UDJ waxba kama aanay helin, waxaana ku guuleystay xisbiga UMP.

Dhammaan sidoo kale, gobolada kale ee dalka Djibouti, haddii ay noqoto Cali Sabiix, Dikhil, Ubukh iyo Tojorra, kuraastii taallay waxaa helay xisbiga UMB, maadaama aanay jirin xisbiyo kale oo ku tartamaya xisbiga talada haya goboladaasi.

Doorashada hordhaca ah, sida caadiga ah waxaa ku dhawaaqda wasaaradda arrimaha gudaha, iyadoo axsaabta ciddii aan ku qanac saneyn natiijada, waxey u gudbin kartaa cabasho guddiga dastuuriga ee Djibouti, iyagoo haysta toddobo cisho.

Dacwadda kadib, haddii cadeymo ku filan aanan la helin, waxaa ansax noqon doonta natiijadii horudhaca ahayd, ee lagu dhawaaqay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker