Ilhan Omar Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Donald Trump

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha Wakiillada Mareykanka ayaa jawaab adag ka bixisay hadal iyada ka dhan ahaa oo uu jeediyay Madaxwenaha Mareykanka.

Donald Trump ayaa Ilhaan ugu baaqay in ay iska casisho xilka ay ka heyso Aqalka Wakiilada Mareykanka kaddib markii ay baahisay nacayb ka dhan ah Israel.

 

Ilhaan ayaa sheegtay in haddiiba qof ay tahay in uu isu casilo hadal naceyb ah oo uu sheegay uu qofkaasi yahay Donald Trump kaas oo ay sheegtay in noloshiisa oo dhan ay nacayb ku saleysan tahay.

 

Dhinaca kale Xildhibaannada Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar ka difaacay hadallada iyada ka dhanka ah ee ka soo baxay Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah.

 

Guddoomiyaha Golaha wakiillada Aqalka hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi, ayaa Trump iyo xisbigiisa uga digtay in ay wax ka sheegaan Aqalka hoose oo uu aqlabiyaddiisu hoggaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ah.

 

Hadalka Ilhan Omar ayaa u muuqda mid si geesinimo leh ay uga jawaabtay hadalkii qalafsanaa ee Madaxweyne Donald Trump.

 

Xildhibaanad Ilhaan Cumar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker