Saldhiga Booliska Kood-Buur Ee Hargeysa oo gacanta ku soo dhigay Khamri iyo tuug u labisan qaabka Dumarka.

Ciidanka Booliiska Somaliland laanta saldhiga Koodbuur ee Hargaysa, ayaa gacanta ku dhigay 20 litir oo khamri nooca Jiinka loo yaqaan ah oo guri cidlo ah lagu hayay iyo alaab iskugu jirta mobilo, koombuutaro iyo baasboor laga xaday xaafada Badda-cas ee Hargaysa.

Waxaa sidan u sheegay warbaahinta sarkaal ka tirsan Saldhiga degmada Ibraahim Koodbuur.”Waxaanu soo bandhigaynaa laba howlgal oo aanu qaadnay, oo aanu midna ku soo qabanay khamri, midna ku soo qabanay alaab tuugo ah oo faro badan, oo laga xaday xaafada Badda-cas.

Khamrigana waxaanu ka soo qabanay xaafada la yidhaahdo Malowle, waxaanu soo qabanay 22 litir oo nooca cad cad ee Jiinka la yidhaahdo ah”

Sarkaalka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen eedaysanayaashii khamriga loo qabtay iyo qaar ka mid ah eedaysanayaasha loo tuhunsan-yahay in ay ka danbeeyaan dhacdada tuugada ah ee laga gaystay xaafada Badda-cas ee Hargaysa.

Sarkaalku isaga oo oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi.”Waanu qabanay eedaysanihii khamriga hayay, guri meel cidlo ah ku yaala ayay ahayd, waxa kale oo aanu kusoo guulaysanay dhacdadan tuugada ah, habeen hore iyo shalay, oo ay noo xidhanyihiin tuugtii wax xadaysay, laba eedaysane oo kamid ah kuwii wax xadayay iyo alaabtii ay xadeen dhamaan”

Booliiska ayaa sheegay in khamriga loo adeegsaday haween xijaaban si ay si qarsoodi ah oo aan la dareemi karin, ugu kala gudbiyaan ganacsatada iyo macaamiisha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker