Axmed Madoobe oo dhaliilay sida uu ku socdo dagaalka Al shabaab dowladdu kula jirto

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Dhuusamareeb kaga qayb galay shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dhaliilay isla markaana gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al -shabaab uu uga socdo Soomaaliya gaarahaan deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-shababa ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Soomaaliya uu maalmo badan ku suganyahay Dhuusamareeb, isagoo halkaa u tagay dhameystirka wajigii koowaad ee dagaalka Shabaab iyo dardar galinta wajiga labaad.

Sidoo kale Jubaland ayaa ka mid ah deegaannada ay dowladdu Soomaaliya iyo maamulkaasiba qorsheynayaan in wajiga labaad ee dagaalka looga saaro Shabaab aagagga ay ka haystaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker