BIDHAAMINTA MUSHKILADDA FLY DUBAI, MUSE, SULEIMAN GAAL IYO SHIRKADII KULMIYIHII HORE.

Haddaynu daaha uga rogno bulshada Mashaakilka ka dhex aloosan xoolo kala BOOBKA Kulmiyihii hore shirkadihii naasnuujinta iyo MUSUQMAASAQA KUSAMAYSNAA OO KULMIYAHA DAMBE KA WADA KACSADAY NAASASKII MAALINBA MID OO QAYLA DHAANTII MARKASTABA BUUQ MEEL KA DHACAYO, SHALAYTONA MUDEA  HA AY KA SOO MUUQDEEN SULEIMAN GAAL IYO MUSE BIIXI OO SAWIRADOODU IS HIRDIYAYAAN Hadday jagooyin wasiiro iyo Agaasime tahay iyo hadday shirkado tahay iyo hadday clubs iyo hotel  tahay waxay bulshada dareensiinaysaa in Muse Biixi wixii ay jeegaanta ku soo heshiiyeen ayuu raadkoodii ku joogaa  KULMIYIHII Horena waxay taagan yihiin AMAAH KUGU RAAGTAY INAAD LEEDAHAY BAAD MOODDAA. Xaqiiqaduna waxay tahay waxan ay kala boobayaan waa wixii ummadda saboolka ahi wada lahayd. Fly Dubai iyo Arabia labada duulimaadba group kii Siilaanyo ka xanuunsaday  baa dhuuqi jiray iyo Madaarka iyo Hargeysa Club iyo qaar kaloo badan  Kulmiyahan dambe wuxuu shaaracyada la taaganyey waqtigii dhuuqidiinu way dhammaatay e markayaga ha naga carsha cardhaynina.

 Muse Biixi iyo Kulmiyehiisu weligii kumay fikirayn markay xukunka qabtaan inay  wadanka SOMALILAND horuumariyaan ee waxay habeen iyo  maalin daawanayeen oo qoranayeen oo ku qayilayeen  naasaska Kulmiyihii  hore  dhuuqaayey markay Kursiga isku hubsadaan siday ugala wareegi lahaayeen oo ah SIDII JEEGAANTU KU SOO HESHIISAY OO AHAYD MARKIINA… ANAGANA MARKAYAGA….

Waxaynu wada ognahay waxa isbedelka la yidhaa inuu xannuun kululyey ( every change is very painful) waana taa ta ka taagan SOMALILAND markaa  bulshada reer Somaliland anoon idin kala qaadqaadayn ALLAH IDINMA KALA QAADQAADEE Heego hore iyo mid dambe midna idiinma  maqna ee way idinku maqanyihiin ishiinaana idiin macalima. Somaalidu waxay tidhaa AWR HEERYADIISA CUNAA KUD HA DILEE WAAYAHA DAMBUU KURUSKU HOOLMAA waana SOMALILAND TAN maanta halkay TAAL. KULMIYIHII HORE  WUXUU AHAA AYAXII KULMIYAHAN DAMBENA WAA KORONKORADII.
SOMALILAND  (FOUNDATION) KEEDII AY AHAYD IN WADAN GAARA OO ICTIRAAF RAADIS AH OO UMMADDOO DHAMI WADA LEEYIHIIN LAGA DHIGO WAA LA DIIDAY OO WAXAA KA MARKHAATIYA JEBINTA HESHIISKII KHAATUMO KU GACANSAYDHEKA SHIRKII GACANLIBAAX, DAGAALKA SIYAASIGA LAGA DHIGTAY EE CEELAFWEYNE EE WADANKII PARALYSIS KA DHIGAY IYO JABHADIHII KALA DAMBEEYEY EE LAHAA CAARRE IYO WABAR IYO CAALWAAGA BULSHADA DHEXDEEDA KA JIRA WAXAA  SOO DHAMI WAA MIINOOYIN WELI AASAN OO LA MAHADIN DOONIN. WADANKA WAXAA LAGU  AASAASAY (IMMORRAL) IYO KALA SHEEGASHO AAN CILMI IYO AQOON KU DHISNAYN EE DANTA GUUD LAGU JEEBAYSTO waxaasina sida makiinaddu timaa u xiirto ayey quluubtii dadka uga xiirtay wadaniyaddii is nacayb fogaaday bay ku kala dhex abuurtay ummaddii meel ku wada noolayd, runtiina dhaqaalihii wadanka ayey dhaawac weyn gaadhsiisay markay shuruucdii wadanka u taalay lagu takri falay, maal gelintii wadanka ayey joojisay oo yaraysay qofkii indheer garadi wuu arkayaa dhabaatada ay soo kordhiyeen Xukuumaddii kala dambeeyey ee Kulmiye.  Somalia inaga dhex kaluumaysatay markaynu wadaniyaddii dhaawacnay.
Maxaa xala hadaba.
1- DADKA XADHIGOODII DHAMMAADAY EE JEELASHA KU JIRA HA LA ISKA SIIDAAYO.
2- DADKA WAAN KU XIDHAY U XIDHAN HA LA SII DAAYO.
KOOTOOYINKA XAARAANTA AH HA LA JOOJIYO  ILAYN REER DAWLAD MA NOQDEE.
3- DADKAN ISKU REER KA AH EE HOGAAMINTII WADANKA ISKU TAXAY WAXBA WADANKA KU SOO KORDHIMAAYAAN AAN DHAQAALO XUMO AHAYN EE WADANKA DISTOORKA HA LAGU DHAQO OO HA LAGA WADA DHEX MUUQDO.
5 – WAA NIN MURAAD KHAASE LEH REERKA YIDHAA ANIGAA MILITARY MAXKAMAD MAALIYAD DEKEDO MADAXWEYNE AHAANAYA TAASI WADANKA WEY DUMISAY BARIIS LACUNO UUN BAY WADANKII KA DHIGTAY, KARTIGII IYO AQOONTII UMMADANA WAY BAABINAYSAA OO WAXBA LAMA QABSAN KARO HADDII XAFIISYADA IYO APPLICATIONS KA IS C.V. YADA QOLOMAATAY LAGU BUUXSADO.
NINKII SIDAA RABAW KU SOCO SHAQAALAHA WADANKU WAA XOOLAA NOOL MEESHII LA DOONAA LOO IIB GAYN DOONAA HADDAY DJABOUTI TAY, HADDAY BOOSAASO TAY IYO HADDAY XAMAR TAYBA.
M BASHE
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker