Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo War Soo Saaray Arinta Maxamed Cali

Taliska Ciidanka Boolisku Somaliland isaga oo ka jawaabaya warkii uu media-ha galiyay Maxamed Cali Maxamed, kaas oo Booliska ku eedeeyay in Xiniinta bidix Dhaawac jug ah ka gaadhsiiyeen waa war aan sal iyo raado toona lahayn Xaqiiqada ka fog Sababahan hoos ku qoran owgeed.
Maxamed Cali waxa uu ka mid ahaa 09/06/2022 dadkii ka qayb qaatay Rabshadihii iyo Banaan bixii Sharci darada ahaa ee ka dhacay Khayriyadii hore ee Magaalada Hargeysa.
Maxamed Cali waxa uu ka mid ahaa Eeddaysanayaashii ay Boolisku ku soo qabteen Banaan bixii Sharci darada ahaa kaas oo ay ku xidheen Saldhiga Dhexe ee Hargeisa.
10/06/2022 Abaaro 08:00 Subaxnimo Waxa Saraakiil Booliska ah oo kiis kaas baadhayay ay waraysteen Eedaysane Maxamed Cali waxa uu u sheegay in dhagax kaga dhacay xiniinta, Dhagaxaasi oo ahaa dhagaxaantii ay banaan baxayaashu tuurayeen sheegayna in uu ku dhacay isaga oo Askari gacanta ku hayo.
Boolisku waxay siiyeen warqad dhaawac muujin ah waxaana La geeyey Cisbitaalka guud Hargeysa kaasi oo u sii gudbiyay Cisbitaalka HARAR IMAGING DIAGNOSTICS (CEUTENUG) oo saaray Aalada (SCROTAL ULTRASOUND),waana Lasoo Daweeyay, Kharashka Baadhista Dhakhtarka waxa bixiyay Taliska ciidanka Booliska Somaliland.
Maxamed Cali Dhakhtarku waxa uu usheegay in hore xiniintu u xanuuni jirtay ka hor intii aanay kaga dhicin dhagaxu 09/06/2022.
Taliska Booliskuna waxa uu go’aan ku gaadhay in la sii daayo si uu isku soo daweeyo.
Warka Maxamed Cali Maxamed ku baahiyay Baraha Bulshada waa mid been abuur ah (Masabid), Sida ku cad Qoddobka 287 iyo Cambaarayn aan Sal iyo Raadtoona Lahayn Sida ku cad Qoddobka 452 ee XCG.
balse waxa Nasiib daro ah in isagoo dhaawaca hore u qabay uu ka been abuurtay Ciidanka Booliska JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker