XARAKAADKA ISLAAMIGAA IYO WAXYABAHII AYNU KA DHAXALNAY .W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

Asaaska iyo soo shaacbaxii Saxwooyinka Islamiga inta badan waxa ay Soomalida  si lama filaana uga soo ifeen horaantii Sanadskii 1990-aadkii ,kadib markii ay Meesha ka baxday Dawladii Shuuciga ahayd ee cabudhinta iyo la dagalanka ku haysay dhalinyarada aamin sanayd soo celinta nidaam ka gadisan kii ay Suufiyadii culimadu dadka ku dhaqayeen dawladahana ugu sacab tumi jireen.

Inta badan ma’aha wax lala yaabo in Dunida marba wax si wayn isoo butacaan ,Diintuna isbedaladaasi ayuunbay qayb ka tahay.Hadaad sooyaalka taariikheed dib u milicsato waxaa kuu muuqanaysa in aanay Dunida jirin  wax jiritaankiiso sugnaanaayo illaa abid oo aan ahayn Ilahay SXW .

Inta aynaan mawduuci si hoose u guda galin ,horta aynu iswaydiino waxyaabaha aas-aaska u ah soo ifbaxa kooxahan Islamiyiinta ah iyo waxyabaha sababta u ah in ay yimadaan ,kadibna ay Meesha ka riixaan kooxahii iyaga ka horeeyey ee Suufiyada loo yaqaanay.

sababaha keenay kooxahan sida xawliga ah ku sacdo ee Saxwooyinka waxa la odhan karaa waxaa sabab u ahaa laba arimood oo kala ah :

-Bahiida xoogan ee loo qabay hab u socod Dineed oo ka gadisan midkii Suufiyadu ay aamin sanayd kaasoo Diintaba kusoo koobay shaqo uun Bariis lagu raadsado.

-Ka bixitaankii dawladuu Shuuciga ahayd ee Diinta cabudhinta ku haysay oo Meesha ka baxday.

Xawli u socodkii kooxahaasi Xarakooyinku ay ku bilabeen nidaamkooduu dacwiga ahaa waxa isna markiiba dhabar jabin wayn ku keenay khilaaf xoogan oo gudahooda ka dhashay ,kuwaasi oo markiiba u kala qaybsamay kooxo-kooxo kala afkaar ah.

Mushkiladaha khilaafka:

Waxa aan aamin sanahay in mushkilada khilaafku ay tahay fasirka iyo fahamka culimadu ay ka qaadato Quraanka iyo Axadiista, waxaana la odhan karaa Diintaba asal ahaan waxa aasaas u ah fiqiga ama fahamka culimada iyo hadba sida ay sheekha ula muuqato,Somaliduna waxaabay ku maahmaahdaa Maanrag waa Mudacyo afkood.

Hadii Kitaabka Quraankaa isaga oo fasirkiisa iyo macnayashiisa wata samada laga soo dejin lahaa cidi kumay wada hadasheen ,waxkastaana waxa ay noqon lahayeen Daahir-yaa shamis ,lakiin Quraanka iyo Axadiista oo nuxurkii asalka u ahaa macnaha uu ka hadlaayo ee Alle iyo Rasuul doonayeen mid aan ahayn ayaa laga yaaba in Sheekh kooxyar ku afduubo kadibna ay u arkaan in ay Diintu tahay fariska iyo macnaha sheekhoodu ka bixiyey.

 

Saxwooyinka Islaamiga ee maanta Dunida Muslimkaa ka hawl galaa dhib iyo dheefba way la yimadeen ,shar iyo khayrna Dunida inteeda kale ayaa ka dheefsatay khaasatan Muslimkii la noolaa aduunyada inteeda kale.

Inkastoo dadka badani aamin san yihiinba in  Saxwooyinku ay masuul buuxa ka yihiin Fikiradaha khaldan ee maanta Dunida Muslimka kusoo biiray sida Qaraxyada iyo dilalka argagaxa leh ,hadana inta ay dheef soo kordhiyeen cidina iskama indha tiri karto sida dhismaha Caqiidada Rooxaanigaa iyo hanaanka mashruuca saxa ah ee dhanka cibaadooyinka joogtadaa.

Raadinta dawlad Islaamiya waxa ay ahayd waxyaabaha aas-aaska u ah ee Xarakooyinkaasi,waana mida inta badan keentay fashilka iyo nacaybka maanta ka dhashay habka loo baadi’goobaayo Imaarad Islaamiya.

Dadka Somalida ahi sida caadada ah meelkasta oo ay joogaan waxaa hubaala in ay jeclaan lahayeen in mar uun ay arkaan Dawlad Islaami ah oo dhulkooda maamusha  ,waxanay arintaasi ka tahay waa rabitaan Imaani ah iyo kalsoonida ay ku qabaan Diinta oo ay weheliso ku hungawga nidaamyadii lagusoo xukumay oo aanay midna mahadin.

Balse Horjoogayaasha Saxwooyinka Islaamku waa ay ka fikir duwan yihiin dad badan oo Somaliyeed oo garaadkooda iyo caqligooda ka shaqaysiiya lana socda isbedalada Dunada haba yaraado oo yuu gaadhin Imaankoodi kan wadaadada saxwada ee aadka looga danbeeyo,kasoo rumaysan in aan Dawlad Islaama lasoo celin Karin hadii aan looga qiyaas qaadan dhawr iyo taban qarni ka hor khilafadii Muslimiinta ee ay maamulayeen RC ,Abubakar,Cumar,Cusmaan iyo Cali .

Soomalidu 100% waa Muslim  ,lakiin Somalidu  100% waxay ahayeen dad culimadooda Diintu ay ka dhisto dhanka Imaanka Ruuxigaa  balse aan la barin lagana dhisin dhanka ismaamulka Diinaysan iyo nidaamka dhaqalaha Dunida iyo qaabka loo maamulo,waana mida keentay in Somalidu ay Diinta u aragta uun nidaam Aakhiro lagu Janno tago.

Maxaan taas ula yaabayaa ,Culimada Somalida kuwooda ugu cilmiga badani waxa aamin san yihiin in hadiiba Dawlad Islaamiya la dhisaayo looga qiyaas qaato hab maamulka iyo maaraynta nidaamkii Cumar Binu khadaab iyo saxaabadii kale ee Rasuulka SCW,kuwaasi oo aan marna inala duruuf iyo deegaan ahayn qarnigan aynu ku jirno.

Waxaa laga yabaa in dadka qaarkood khalad iga fahmaan ,balse ujeedada aan ka leeyahay qoraalkan ayaa ah,sheekooyinka iyo warbixinaha xiligii Saaxabadu waxa ay ku fiican yihiin in Astaan iyo xasuus ay inoogu filadaan, balse Dunidu halka ay maanta marayso aynu la jaanqaadno,arimaheenana aynaan ku koobin oo kaliya qisas iyo warbixin.

Labadaa Jid ama waddo ee midna Janada Tago kan kalana uu yahay kan Aduunka lagu maamulo waxaa u dhaxeeya farqi wayn ,ma odhanaayo way kala madax banana yihiin lakiin waxaan dareemayaa in jidkasta oo Dunida acmaashiisa horumarka lagu hagaajinayaa in aanu Aakhirada shaqo ku lahayn waana arin maanta la taaban karo muuqatana.

Hadaan dib ugu yara noqdo suurta galnimada in jidkii Khulafada la raaco,iyada oo laga dhexraadinaayo nidaam ama hanaan nolosheena aduunyo aynu ku hagaajinayno maanta ,iyo dhisme dawlad Islaam oo aan waxba ka duwanayn tii Cumar RC waxa ay ila tahay in aynu waxbadan oo Dunida maanta inoo shaqayn lahaa in aynu ilduufayno.

Xiligii Khulafada RC Cumar iyo Cali iwm waxa ay ku jireen xaalad nololeed, dhaqan dhaqaale oo ka gadisan kan aynu maanta ku jirno, .Hadaad u fiirsato xaaladahii cakirnaa ee ay wajahayeen sida aynu siirada ku hayno dadkaasi sharafta lahaa ,waxaa kuu muuqanaysa in ay ahayeen dad u tafaxaytay is xorayn ,kadibna horumar ka sameeyey in ay dadka si fiican ula dhaqmaan , taasina waxa ay ku jaangoynayeen xaalkii iyo noloshii ay ku jireen iyo tu lamida oo ay lahayeen dadkii kasoo horjeeday.

Khulafadii sharafta lahayd iyaga oo adeeg sanaaya Ilbaxnimadii ay markaasi ku lahayeen Dunida iyo Xadaradahii ay soo mareen isla markaana kaashanaaya Diinta samawigaa ee Ilahay ku galaday waxaa u sahlanaatay in ay Dunida wax badan gaadhsiiyaan waxna ka bedalaan.

Balse hadii aynu  inagu adeegsan wayno Ilbaxnimada aynu leenahay ee iminka shaqaysa iyo Dunidu habka maanta looga macaamilo xoriyada,dhaqaalaha,maamulka,tiknolajiyada,sayniska iwm ,saw ma ogid in aynaan geedkaasi gaadhayn.

Waxyar maskaxdaada dib ula shawr ,hadii maanta saxabigii sharafta badnaa ee Abubakar Sidiiq loo soo saari lahaa Dunida isla markana la odhan lahaa waxaad ku noolataa magalada Makka ee dalwaynaha Sucuudiga iyo dhulkuu hore u joogi jiray ,siday ula muuqan lahayd ayay kula tahay in uu noloshaasi la qabsado,waxaaban isleeyahay Janadii ayuu moodi lahaa in uu joogo marka uu arko dhaldhalaalka nolosha cusub .

Muhiim maaha kala duwanashaha labadaasi nololeed ,lakiin waxaa kala duwan fahamka dadka ee noloshii dhamaatay iyo tan hada joogta,Quraankuna waa Kitaab joogaaya una baahan in markasta uu Juqrafiga iyo Sayniska uu ka horeeyo oo aanay isaga dhawaacin .

Hadaba Islaamku ma xoog aan xeeladi ku jirin ayuu kusoo noqonayaa,Islamiyiinta maantu se ma yihiin kuwii u qalmaayey in ay Dawlad iyo Dad Muslim ah is waafajiyaan iyaga oo la imanaaya nidaam ka gadisan kan ah ma hadli kartid,Fikir ma dhiiban kartid,hadaad nidaamkayaga ka hortimaadana waxaa kugu dhacaysa Cadho Ilaahiya.

Islaamiyiintu nidaamka dhaxalka,Sakada Salaadda ,Soonka iyo Xajka iwm oo u badan amarada waajibkaa waa ay yaqanaan,iyaga oo ka afkaar qaadanaaya Culimadii xiligooda iyo xaaladooda lahaa,balse waa ay ku adag tahay aqoonta Dawladnimo xalaal ah Muslimkana lagu maamuli karo sabankan aynu ku jirno ee Dunidu ay Dayaxa tagtay.

Inta badan wadaadada Saxwadu waxa ay dadka ku booriyaan laba arimood oo aad u wanaagsan ,kan hore waxa uu yahay in ay dadku yeeshaan Imaan qawi ah oo ay Janada ku galaan ,kan labaadna waxa uu yahay in ay Culimada adeecaan Masaajiidana ay ku xidhnadaan .

Taas waxaa raaca dadkana ay u sheegaan  in ay  Dunida iyo dhal-dhalaalkeeda in ay isaga fogaadaan si aanay ugu kadsoomin,balse iyagu/Wadaadadu iyaga ugu jecel dhaldhalaalka Dunawiga ah,mana aha Sunahii Nabigeenii suubanaa SCW.

Imisaa Masjid qurxoon oo Janno lagu raadinaayo ayaa magalooyin keena  ka dhisan, toban qofna aanay ku Tukan,sidoo kale  imisaa Caruur Agoon iyo Rajo ku darxumaysan Masaajidaasi agagaarkooda,Culimooy jidka Janada loo maraayo Quraanka dib uga fiiriya.

Laba kala daaya ,Wadaadoow in aad tidhaahdaan  Dunidu waa daarta iyo quruxda loo sameeyey Gaalada, Muslimkuna waxa uu wax ku leeyahay Aakhiro. hadana aad nagu wacdidaan   Aakhirana waxa ay rabto in loo shaqaysto,taas awadeed waxaa dadka caqliga lihi iswaydiinayaa oo Janadiiba hadii ay shaqo u baahan tahay maxaa diidaaya in  Aduunyadana Iyana loo shaqaysto oo Gaalka looga dheereeyo.

Caqliga iyo caadifada qofka Soomaligii waa mid aad ugu nugul jeclaansha Diinta, waxaa jirta kalmad ay Culimada Somalidu halhays u leeyihiin oo odhanaysa “CADHO ILAHAY YAY KUGU DHICIN “ inta badan way adag tahay in la kala saaro Cadho Ilahay ka imanaysa oo lagaba yaabo in aanay muuqanba sabab iyo xaalad keenaysa ,balse kalmadaasi waxaa ku hoos liqaansan cadho wadaad kasoo butaacaysa oo ku suntan dan iyo doonistiisa gaarkaa,waana waxyaabaha Saxwooyinka Jihaadigii ay soo kordhiyeen.

Quraanka Inta badan ma danayno ,ma dhuuxno mana dhugano xeeldheeridiisa,balse waynu akhrinaa oo dareerinaa,garasho iyo garasho’la’aan mid ay tahayba culimada Somalidu inta Iskuul iyo Malcaamad furan waxaa lagu dareeriyaa Qiraa’ada Quraanka oo aanay la jirin fasir iyo faa’iido kale oo dheeraadii.

Quraanka waxa aynu u fasiranaa oo kaliya in Aakhiradeena uu wax inooga qabto inoona shafeeca qaado dharaarta Qiyaamaha ,balse nolosheena aduunyo kuma qurxisano si aynu ugu noolaano nolol farxad iyo deganaasho leh.

 

 

W/Q: Khadar Ibrahim Aar

France Paris.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker