Daawo:-Xukuumada Somaliland Oo Go,an Adag Ka Qaadatay 32 Markab Kaluumaysi Oo Dawlada Soomaaliya U Fasaxday Inay Ka Kaluumaystaan Xeebaha Somaliland.

Hargaysa-(OWN)-Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay in aanu khusayn heshiiska dawladda Soomaaliya ruqsada ku siisay shirkad kalluumaysi oo Shiinaha laga leeyahay.

Gaafaadhi, ayaa sheegay in shirkaddaasi aanay soo gelikarin badda Somaliland.

Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaddaasi bixinayso 1 milyan oo dollar taas oo lagu shubayo Baanka dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya Cabdi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in xeebaha Somaliland ku jiraan kuwa ay Kalluumaysata Ajaanibka ah ay u fasaxeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker