Somaliland Oo Sheegtay Maanta 35 qof oo laga helay xannuunka Covid-19

Tirada dadka laga helayo cudurka halista ah ee COVID 19 ayaa sii kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa.

Waxaaanu halkan idinku soo gudbinaynaa xogta ay maanta oo isniin ah soo saartay wasaaradda caafimaadku.

“Shan iyo soddon qof (35) ayaa laga helay xanuunkamaanta, dhammaantood waa Somalilander, 24 qof waa rag, 11 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 2 qof)
(20jir ilaa 29jir = 14 qof)
(30jir ilaa 39jir = 7 qof)
(40jir ilaa 49jir = 4 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(60jir ilaa 69jir = 3 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degen yihiin 14 qof oo degen Borama, Burco 8 qof, Hargeisa 8 qof, Berbera 2 qof, Laascaanood 2 qof, Allaybaday 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 1 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sagaal iyo toban (19)

Waxaa geeriyooday hal qof oo dumar ah oo deganayd Hargeysa, da’deeduna ahayd ahayd 35jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay dalkeena shan iyo toban (15).

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker