Haween iyadoo ku Labisan Dharkii Faraacinada Sawir Iska Qaaday oo Buuq ka dhalisay Dalka Masar

Warbaahinta iyo baraha bulshada gudaha dalka Masar ayaa si weyn looga hadal hayaa Haweeney sawirro isaga qaaday Ahmaarta dalka Masar iyadoo xidhan dharkii ay xiran jireen faraaciinta.

 

Dadka sida weyn u isticmaala baraha bulshada ayaa hadal haya sawirka haweeneydan oo lagu magacaabo Salma El Shimi,

Isaga qaaday ahraamta Masar, waxa ayna dadka qaar tilmaameen in haweeneydan mudan tahay in la xiro maadaama ay dhaqanka ku xad gudubtay halka kuwa kalana sheegayaan in aysan qalad sameyn.

Xoghayaha guud ee golaha sare ee Masar u qaabilsan arrimaha aathaarta, Dr Mustafa Waziiri, ayaa ku baaqay in baadhitaan deg deg ah lagu sameeyo haweeneydan sawirka isaga qaaday Ahmaarta Masar iyada oo xidhan dharka faraaciinta.

 

 

Waxa uu sheegay Dr Mustafa Waziiri in wasaaradda dalxiiska iyo arrimaha aathaarta ee Masar looga baahan yahay in mar kasta isha ku heyso ilaalinta goobaha qaddiimiga ah iyo taariikhda xadaaradda Masar.

 

 

Xoghayaha guud ee golaha sare ee Masar u qaabilsan arrimaha aathaarta ayaa cadeeyay in qof kasta isku dayo in uu ku xadgudbo aathaarta iyo xadaaradda Masar tallaabo laga qaadi doono.

 

 

Sawirka haweeneydan iska qaaday kuna baahisay baraha bulshada ayaana dood iyo caro badan ka dhax abuuray baraha bulshada, lamana oga talaabada haweeneydan ka qaadi doonto dowlada Masar hadii lagu helo in ay ku xadgudubtay dhaqanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker