Wasiir Siciid Sulub Oo Magaaladda Ceerigaabo Kaga Daahfuray Dhismaha Dekedda Maydh

Wasiirka xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga oo magaalada Ceerigaabo ka daah furay mashruuca  dhismaha Dekedda Maydh ee gobolka Sanaag.

Munaasibadda lagu daahfurayay dhismaha dekedda Maydh waxa kasoo qayb galay maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Ceerigaabo, madax dhaqameed, Ganacsato Culimo iyo Haween.

Madaxa mashruuca dhismaha dekedda Maydh Mursal Ardaale Cabdi iyo Najax Maxamuu Aadan oo ah ku xigeenka madaxa sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) ayaa sheegay in xukuumadda iyo Sanduuqu horumarinta Somaliland ay isla garteen in la maalgaliyo dekedda Kalluunka ee Maydh

Maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Ceerigaabo, Maayarka degmada Maydh madax dhaqameed iyo masuuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay mashruuca dhismaha dekedda Maydh iyagoo xusay qiime wayn u leeyahay  gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker