Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL Oo ka Dooday Xeerka ka hortaga Tahriibta iyo ka ganacsiga dadka

Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa maanta ka dooday xeerka la dagaalanka iyo ka hortagga tahriibka.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada ee Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa waxa mudanayaasha golaha Wakiilladu ay guda galeen ka doodista xeerka la dagaalanka iyo ka hortagga Tahriibka, oo ay soo diyaareen guddi hoosaadka arrimaha bulshada, amniga iyo nabadgalyada ee golahaasi.

Xeerkan ayaa mudanayaashii dooddooda ka dhiibtay waxay soo jeediyeen tallooyin muhiim ah oo la xidhiidha sidii looga hortagi lahaa isla markaana loo xakamayn lahaa aafada tahriibka.

Geesta kale, guddi hoosaadka dhaqaalaha iyo maaliyadda ee golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay booshka sare ee hay’adda caymiska Qaranka ee Somaliland, oo uu guddoomiye u yahay wasiirka horumarinta maaliyadda ee Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, waxaana intii uu socday kulankaasi lagu lafo’guray xeerka caymiska Qaranka.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker