Wargeyska Kasoo Baxa Dalka Itoobiya Oo Warbixin ka Qoray Doorashadii Somaliland

Wargeyska Addis Standard oo ee dalka Itoobiya ayaa warbixin ka qoray Doorashadii Toddobaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoontay 31kii May 2021 ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Faalandan dheer oo uu doorashooyinka Somaliland ka qoray Addis Standard, waxaanu ku sifeeyey kuwo u qabsoomay hannaan dimuqraadi ah oo saddexda xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI ay ku loolameen doorashooyinka muddo dhaafay Golaha Wakiillada iyo deegaanka.

Wargeysku wuxuu daabacay in saddexda xisbi qaranba ay doonayaan inay kor u sii qaadaan cilaaqaadka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland uu yahay mid soo jireen ah, waxaanu xaqiijiyey inuu labada dal ka dhexeeyo heshiis dhinaca amniga ah iyo mid ku wajahan isdhexgalka dhaqaalaha.

Wasiir Liibaan Yuusuf wuxuu ku dooday in nabadgelyada iyo dimuqraadiyada ka hirgashay Somaliland ay soo jiidan doonto maalgashiga caalamiga ah oo soo dedejin doona aqoonsi ay JSL ka hesho beesha caalamka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa u sheegay Addis Standard in Itoobiya tahay dalka ugu weyn ee iskaashigu ka dhexeeyo, isla markaana cilaaqaadka labada dal soo taxnaa ilaa 199kii.

Guddoomiye Cirro wuxuu intaas ku daray in siyaasadda xisbigiisu la xidhiidho sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya xataa marka uu dhammaado mashruuca dekedda Berbera.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa geestiisa sheegay inuu danaynayo in la sii xoojiyo wax wada qabsiga Somaliland iyo Itoobiya. Waxa kaloo uu xusay inay doonayaan inay Somaliland xidhiidh wanaagsan la yeelato qaaradda Afrika oo dhan.

Waxa kaloo Guddoomiyeyaasha WADDANI iyo UCID ay xaqiijiyeen inay doonayaan in la joojiyo wada hadallada ay Somaliland la yeelatay Soomaaliya waxaanay ku sifeeyeen dal guul daraystay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker