Jubaland oo ka hadashay ciidamo ay sheegtay in la geeyay gobolka Gedo

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ciidamo ‘ku daabuleyso’ gobolka Gedo xilli ay abaaro ka taagan yihiin halkaas.

“Waxaa shaley oo taariikhda aheyd 19 Maarso 2021, hub, gaadiid dagaal iyo ciidan laga dejiyay deegaanada Daawo ee gobolka Gedo”

Jubaland waxay sidoo kale sheegtay in tallaabadan ay caqab ku tahay heshiis kasta oo looga gudbayo khilaafka harreeyay doorashada Soomaaliya.

ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku saabsan arrintani.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker