Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Donald Trump Uu isusoo Sharaxi Doona 2024?
Madaxweynaha maraykanka ee laga guulaystay doorashada 2020 Donald Trump ayaa tusmeeyey in laga yaabo inuu qorsheynayo inuu mar kale u tartamo xilka madaxweynaha Mareykanka ee 2024.
Inkasta oo madaxweyne Trump weli aanuu aqbalin in laga adkaaday, haddana munaasabad ka dhacday Aqalka Cad Talaadadii, ayuu u muuqday inuu ku qiray inaysan guuleysan dadaallo dhanka sharciga ah oo uu doonayey in wax looga beddelo natiijada doorashada, isaga oo tuhmaya inay dhacday qiyaameyn.
Waxa uu sidoo kale halkaas ku tusmeeyey in laga yaabo inuu mar kale ordo.
Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo Xeer-ilaaliyaha Qaranka Mareykanka William Barr, oo aad ay isugu dhow yihiin Trump, uu Talaadadii shaaciyey in Waaxda Cadaaladda aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in qiyaamey baahsan lagu sameeyey doorashada.
Sidoo kale kiisas maxkamadeed oo kooxda qareenada madaxweyne Trump ay ka fureen dhowr gobol ayaga oo dood ka qabay natiijada doorashada ayaan guuleysan.